Ma Is Qaadan Karaan Sheekooyinka Marin Habaabinta ah ee Muue Biixi & Masawirka Dhabta Ah Ee Ka Jira Magaalada Laascaanood ? (Warbixin)

2″ January “2023

Wararkii Ugu danbeeyay Xaalada Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya In Dibadbaxayaasha magaalada ay wali ku qeylinayaan erayo ka dhan ciidamada iyo dawladda Somaliland”

Mamulka waqtigiisu dhamaaday ee muuse biixi cabdi ayaa bilaabay In xadgydubyada ka jira Magaalada Laascaanood uu soo raro Muqdisho iyo Garoowe

Hal mar ayaa lagu soo wada baraarugay iyada oo hawada gashay Qarax foolkaano caro isbiirsatay ah oo reer laascaanood ah iyo muuse biixi oo military u adeegasanaya mushtamac uu ka dhamaaday dulqaadkii ay maamulkiisa u hayeen

Madaxdii ka horeeysay muuse biixi ee Siilaanyo & Daahir riyaale midna dadka gobolka Sool ma gaarsiiin heerka at maanta necbaasho ka gaareen ka sii mid ahaanshaha Maamulka sheegta in uu ka go,at Somaliyada kale

Inta aan laysla gaarin dadka gobolada Sool,Sanaag iyo Owdal in la gakiyo afti dadweyne oo lagu fiirinayo rabitaankooda Somali-Weeyn iyo ka sii mid ahaanshaha Maamulka la baxay Somaliland- waxaa magaalada Laascaanood xoog looga masaafuriyay dad somalida koonfureed oo xoolahoodiina lagu dhacay Iyaga oo wax laga saarayo dilal a an kala joogsi lahayn oo lagu Ugaarsanayay qaybaha kala duwan bulshada magaalada laascaanood- laakiin ma Istaagin

In ka badan 100 qof ayaa lagu daily magaalada Laascaanood oo maalintii 9 aad ku jirta adeegsiga awood in lagu caburiyo bulsho dibadbax ku muujineeysa dareenkooda

hadaad Joogtid Hargeeysa Hadalada Kuu Furan

Eedeeynta Muqdisho & Garoowe oo wax laga saaro guuldarada Maamulka Muuse Biixi ee magaalada Laascaanood ayaa macna weeyn ka leh marfishyada magaalada hargeeysa

Ma jiro wado oo kuu furan oon ahayn inaad tiraahdid “Magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho laga abaabulayaa kacdoono iyo guubaabo lagu kicinayo shacabka Laascaanood oo ay kooxo gaar ahi doonayaan in ay shacabka Gobolka kaga hor keenaan xukuumaddooda.

” Kulamo lagu qabtay Huteello ku kala yaalla magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho kooxo abaabulan ayaa waxa ay ka wadaan abaabul ka dhan ah Somaliland iyada oo warbaahinta maamuladaasina si weyn u buunbuuninayaan xaaladda Laascaanood oo ay dunida ku tusayaan goob Somaliland xoog ku qabsatay.

Sheekooyinkaas iyo kuwa la midka ah hadii qalbi qalbi-qaboojis u yahay Muuse biixi iyo xisbigiisa kulmiye oo isku dayaya in ay Marin habaabinayaan xaqiiqada waxa ka taagan gobolka sool

Waxaysan agtooda ka gadmeeynin asxaabta Wadani iyo Ucid oo iyaga iyo taagarayaashooda lagu kacay kuwa la mid ah wada ka socda magaalada laascaanood

Waxaan sheegayaa xisbi ahaan in aynaan aqbalaynin sida xukuumadu uga jawaabtay dibadbaxyada, ayuu yiri C/raxmaan Ciro oo ah musharax u taagan doorasho dib uga dhacday waqtigeedii ee Somaliland

Mushadax Cirro ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqay in ay dhagaysato dareenka shacabka reer Laascaanood Isaga oo yiri waxa Laascaanood ka dhacay waxa ay lamid tahay wixii dhacay wakhtigii mudaharaadadii mucaaradka-Laakiin Siciid dani oo xubna ka soo jeeda gobolka sool ay xilal ka hayaan mamulkiisa Putland ayaa si xun u cambaareeyay sida somaliland ay ula dhaqan-tay xiisada ka alloosan magaalada Laascaanood

La,wareegista xaeuumihii isgaarsiinta magaalada laascaanood ayaa ah dhacdo oo fasiraad ka bixineeysa Isku dayayga Maamulka muuse biixi in uu isku hortaago la socodka xaiiqada ka jirta gudaha magaalada laascaanood

Warka ka soo yeeray Muqdisho ee la xirrita xaalada Sool ayaa ku baaqayay in wadahadal wax lagu xaliyo markii Madaxweyne 犀利士 Xasan Shiikh oo tacsi u diray qoysaska ay ka geeriyoodeen dadkii birmo-geydada ahaa ee lagu dilay bannaan-baxyada magaalada Laascaanood, uu xusay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan soo mareen, maantana aysan mudneyn in dib loogu celiyo dhibaatooyinkaas Isaga oo yiri Xal aan xabbad ahayn halagu wajaho xaaaladda reer Laascaanood- Iyadoo aaney cidina waxba u raacan Maareeye oo xildhibaan ka ah dowlada fadaraalka soomaaliya markii uu ku hadlay ereyo qabyaaladeesan oo u janjeera kala gooynta Somali-Weeyn

Hadii baaqyada nabada ee Madaxweynaha Somalia ay noqoto abaabul maxay noqoneeysa eedeeynta culus ee aqoonyahanka Somaliland ay u jeediyeen muusa biixi iyo xukuumadiisa mudo-dhaafka ah iyadoo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif uu Intaas kaba sii badsaday markii uu yiri” Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa qaadaneyso mas’uuliyadda wixii ka dhasha dhibka ka taagan magaalada laascaanood

Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq ayaan qarin baaxada dhibaatada gaarsiisan tahay Isaga oo yiri dad badan ayay dhibaato soo gaartay- Waaana siyaasad xumada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi & maamulka ugu magacaabay Gobolka Sool sida uu hadalka u dhigay

Leave a Reply