Masuuliyada guud ee Amniga, dalka ayaa noqday qodobka ugu xasaasisan ee ay Isku mari la’yihiin xubnaha shirka golaha wadatashiga qaran ee muqdisho

6″ January ” 2022″ Muqdisho

Masuuliyada Amniga guud ee dalka, ayaa noqday qodobka ugu xasaasisan ee ay Isku mari la’yihiin xubnaha shirka golaha wadatashiga qaran ee muqdisho oo maalintii 4 aad galay

Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta dowlada federalka Cabdiraxmaan Al Cadaala ayaa sheegay in shirka horumar wanaagsan laga sameeyay kulankii maanta.

“Shirka doodo qoto dheer ayaa laga yeeshay meelo badan horumar ayaa laga sameeyey jawi wanaagsan ayuuna ku socday doodahana waa ay sii socon doonaan illaa la isla meel dhigo dhamaan qodobada horyaal ee muhiimka u ah masiirka dalka,”ayuu yiri Alcadaala.

壯陽藥

Sidoo kale Afhayeenada Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa laga soo warinayaa in shirka uu jawi xasilloon ku soo dhamaaday, waxaana jiri doono kulamo gaar gaar ah oo caawa illaa berri Madaxda yeelan doonaan si ay isugu qanciyaan Xalinta qodobada muhiimka ah si uu shirka uu guuleysto

Leave a Reply