Waxaa Isi soo taraya Khasaaraha ka dhashay weerar koox hubeysan xalay ay ku qaaday xarun ganacsi magaalada Boosaaso

6″ April “2023”

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar sababay khasaare dhi壯陽藥 masho iyo dhaawacba leh oo koox hubeysan xalay ay ku qaaday xarun ganacsi oo lagu magacaabo al-Macruuf Supermarkets oo ku taala magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa tilmaamaya in dableyda hubeysan ay marka hore toogteen waardiyihii xarunta, iyagoo intaasi kadibna bambaanooyin ku tuuray xarunta, kuwaasoo dhaliyay inuu dab xooggan ka koco xaruntaasi ganacsi

Gawaarida dab damiska iyo gurmadyo kala duwan oo soo gaaray goobta ayaa dhaliyay in lagu guuleysto daminta dabkaasi, waxaana jiro khasaare u badan dad ku neefqabtimoobay dabka oo goobaha caafimaadka loola cararay iyo burbur xooggan oo gaaray xaruntaasi ganacsi

Leave a Reply