Warbaahinta DFS oo si weyn loogu weeraray qoraal ay ka soo saartay arrinta SHARIIF

20-Feb-2024

Warbaahinta DF oo si weyn loogu weeraray qoraal ay ka soo saartay arrinta SHARIIF

Warbaahinta dowladda, gaar ahaan Telefishinka Qaranka (SNTV) ayaa maanta si weyn loogu weeraray qoraal uu kasoo saaray arrin hadal-hayn xooggan dhalisay oo uu kula kacay madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

Telefishanka Qaranka ayaa shalay aan tebin khubad uu Shariif ka jeediyay baarl犀利士 amaanka, taasi oo uu madaxweynihii hore uga hadlay dhowr arrimood oo taabanaya wax ka beddelka dastuurka iyo xaaladda guud ee amniga dalka.

Maamulka Telefishanka Qaranka Soomaaliya (SNTV) ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku sheegay in cilad farsamo oo dhinaca internet-ka ah ay sababtay inuu hakad ku yimaado tabintii tooska aheyd ee telefishanka, xilligaasi oo uu Shariif khudbad ka hor jeedinayay mudaneyaasha Golaha Shacabka.

Falis Faarax: “Cilada Farsamo iyo waxaa isku aadey khudbadii Sheikh Shariif? In aad iska aamustaan baa la qaatey. Dowladdaan dhanka saxaafada waa looga fiican yahay, mid wasaarad, mid Madaxtooyo iyo mid Ra’iisul-wasaareba.”

“Amaa inaad iska aamustan ku qurux badnayd!,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdirisaaq oo ka fal-celiyay qoraalka uu soo saaray Telefishanka Qaranka.

Cabdullaahi Mucallim: “In aad jawaabtaas bixisaan 20 saacadood ka badan ayey idinku qaadatay waa cilmi cusub.”

Leave a Reply