26 Noofambar 2021″ Aljazeera
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ku ballanqaaday guul muuqaal laga soo duubay jiidda hore: Warbaahinta dowladda
Fiidiyowgu wuxuu muujinayaa Abiy oo xiran daalka milatariga, isagoo leh niyada ciidanku waa sarreeyaa, ciidamada Tigraygana dib loo riixay.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ballan qaaday guul, taasoo ay warbaahinta dowladda ku sheegtay inay ahayd farriintiisii ugu horreysay kaddib markii uu toddobaadkan u kicitimay jiida hore ee dagaalka si uu u hoggaamiyo ciidammada dowladda ee dagaalka muddada sanadka ah kula jira xoogagga ka soo jeeda waqooyiga gobolka Tigray.
Warbaahinta dowladda ayaa Arbacadii sheegtay in Abiy uu u yimid furimaha dagaalka si uu u hogaamiyo duullaan rogaal celis ah oo lagu qaaday ciidamada Tigreega, isagoo xilalka joogtada ah ku wareejiyay ku xigeenkiisa.
Muuqaalka ayaa la sii daayay ka dib markii ay dowladdu soo saartay amar cusub oo ujeedadeedu tahay in la xaddido wararka warbaahinta ee dagaalka, oo mamnuucaya wadaaga macluumaadka aan rasmiga ahayn ee “dhaqdhaqaaqyada militariga la xiriira, natiijooyinka dagaalka iyo xaaladaha”.
Kadib bilo ay xiisadi jirtay, Abiy bishii Nofeembar 2020 waxa uu ciidan u diray Tigray si ay meesha uga saaraan xisbiga talada haya ee Tigray People’s Liberation Front (TPLF). Kooxda TPLF ayaa gacanta ku haysay dowladda federaalka muddo ku dhow sodon sano ilaa uu Abiy xilka la wareegay sanadkii 2018-kii.
Ra’iisul wasaaraha ayaa ballan qaaday guul degdeg ah oo ciidamada dowladdu waxay qabsadeen caasimadda Tigray ee Mekelle, dabayaaqadii bishii November. Si kastaba ha ahaatee bishii Juun, ciidamada Tigreegu waxay dib ula wareegeen inta badan gobolka waxayna galeen gobollada dariska ah ee Axmaarada iyo Canfarta.
Ciidamada Tigreega ayaa dhawaan sheegay in ay guulo waaweyn ka gaareen dhulkooda, iyagoo sheegay in todobaadkan ay qabsadeen magaalo 220km (135 miles) u jirta caasimadda Addis Ababa. Inta badan waqooyiga Itoobiya waxaa hawada ka maqan isgaarsiinta waxaana aad loo xaddiday gelitaanka saxafiyiinta, taasoo ka dhigaysa sheegashada goobaha dagaalka inay adagtahay in la xaqiijiyo.
Weli, qaylo-dhaanta caalamiga ah ee ku aaddan colaadda sii xumaanaysa ayaa sii korodhay, iyada oo waddama shisheeye ay ku booriyeen muwaadiniintooda in ay isaga baxaan iyada oo isku dayo dhexdhexaadin ah oo Qaramada Midoobay iyo Maraykanku ay ilaa hadda wax natiijo ah ka soo bixin.
“Marka la eego wada xaajoodka ama xabbad joojinta, waxaad mooddaa inay sii kordhayso masaafada u dhaxaysa labada dhinac,” Samuel Getachew, oo ah saxafi madax-bannaan oo Itoobiyaan ah oo ku sugan Addis Ababa, ayaa u sheegay Al Jazeera.
“Iyadoo uu khilaafku socdo oo uu saameynayo dad badan, ma muuqato wax dhammaad ah. Waxaa jira go’aan labada dhinac ah si ay ugu guuleystaan 100 boqolkiiba.”
Dagaalka ayaa waxa ku dhintay tobanaan kun oo qof, in ka badan laba milyan oo qofna waxa ay ka qaxeen guryahoodii waxana ay gaysteen khasaare bini’aadantinimo oo aad u badan. Jimcihii, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada Adduunka (WFP) ayaa sheegtay in tirada dadka u baahan cunnada gargaarka ee waqooyiga dalka ay kor u dhaaftay in ka badan sagaal milyan.
Boqolaal kun ayaa qarka u saaran macaluul iyadoo shaqaalaha gargaarka ay la halgamayaan sidii ay sahayda degdega ah ugu gudbin lahaayeen dadka quusta ah ee ku nool Tigray, Axmaarada iyo Canfarta.
WFP waxa ay sheegtay in xaaladdu ay aad uga sii dartay bilihii la soo dhaafay, iyadoo lagu qiyaasay 9.4 milyan oo qof ay soo food saartay gaajo “taasoo ay sabab u tahay colaadaha socda”, marka la barbar dhigo ku dhawaad toddobo milyan bishii Sebtembar.
“Gobolka Axmaarada – oo ah jiidda hore ee colaadda Itoobiya – ayaa lagu arkay tiradii ugu badnayd iyadoo 3.7 milyan oo qof ay hadda u baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo,” ayay tiri WFP.
“Dadka ku nool waqooyiga Itoobiya ee u baahan gargaar, in ka badan 80 boqolkiiba (7.8 milyan) oo iyaga ka mid ah ayaa ka dambeeya safka dagaalka.”
Todobaadkan ayay hay’adda WFP sheegtay in shaqaalaha gargaarka ay u suurtagashay in ay raashin ka qaybiyaan magaalooyinka Axmaarada ee Dessie iyo Kombolcha markii ugu horaysay tan iyo markii ay kooxda TPLF qabsatay ku dhawaad bil ka hor, waxayna hay’adu sheegtay in todobaadkii hore uun loo ogolaaday in ay galaan bakhaaradooda. .
Dagaalada ayaa sidoo kale waxyeeleeyay in ka badan 500 oo xarumo caafimaad oo ku yaala Axmaarada, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ee OCHA ayaa sheegtay galinkii dambe ee Khamiista.
Markii uu dagaalku sii dheeraaday, dawladdu waxay xoojisay adeegsiga awoodda hawada ee ka dhanka ah ciidamada Tigreega – oo ka mid ah meelaha ay ka helaan faa’iidooyinka ciidan.
“Weerar kale oo diyaarad Drone ah ayaa lagu qaaday xaafad rayid ah oo ku taal #Mekelle,” afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ayaa jimcihii soo dhigay bartiisa Twitter-ka. “Tallaabooyinka quusta ah ee uu qaado talis quus ah oo qarka u saaran.”
Jimcihii, kooxda TPLF iyo sarkaal isbitaal ayaa ka warbixiyay laba weerar oo cirka ah oo ka dhacay caasimadda Tigray ee Mekelle.
Dr Hayelom Kebede, oo ah madaxa cilmi-baarista ee Isbitaalka Ayder Referral Hospital ee Mekelle, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in laba qarax ay dhaceen 9-kii subaxnimo iyo 12:30 habeenimo (06:00 iyo 09:30 GMT), iyadoo midkii ugu horreeyay uu burburiyay laba guri.
“Weli waxaan sugayaa warbixinta khasaaraha,” ayuu yidhi.
Ilo wareedyo ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in weerarka koowaad lagu weeraray meel u dhow guriga taliye ka tirsan jabhadda iyo meel buur ah oo u dhaweyd qoriga lidka diyaaradaha.
Afhayeen u hadlay Abiye Billene Seyoum ayaa sheegtay in aysan “wax xog ah ka hayn” weerar kasta oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhacay Mekelle Inkastoo Qaramada Midoobay oo ku baaqayso in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Itoobiya
SOURCE: AL JAZEERA AND NEWS AGENCIES