16″ December “2020 BBC
Xiisad ayaa ka taagan xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ee u dhow magaalada Mandheera kaddib markii halkaas la keenay ciidamada dowladda Soomaaliya, sida uu shaaciyay Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya.
Warkan ayaa soo baxay saacado kaddib markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday inay xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay dhiggeeda Kenya, ayna ku amartay dhammaan diblomaasiyiinta reer Kenya in ay Soomaaliya uga baxaan muddo 7 maalmood ah gudahood.
Xiriirka labada dal ayaa sii xumaaday markii ka carootay booqashda muuse biixii uu kula kulmay madaxweynaha kenya taas oo siisay maamuus hogaamiyaha maamulka is magacaabay ee Somaliland.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka, oo uu soo xigtay Wargeyska Daily Nation – oo ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer Kenya – ayaa sheegay inay arkeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo isku diyaarinaya goobo muhiim ah oo ku yaalla xadka u dhaxeeya labada waddan.
“Waxaan ku waabariisannay ciidamo milatari ah oo xadka jooga. Arrintan aad bay noo walwal galisay,” ayuu yidhi Mid ka mid ah dadka deegaanka oo uu wargeyska soo xigtay
Dadka aaggaas ku dhaqan qaarkood ayaa lagu soo warramay inay ka tageen halkaas iyagoo ka cabsi qaba inay khatar ku timaado.
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada amaanka Kenya ee ku sugan Mandheera oo magaciisa qariyay ayaa xaqiijiyay in ciidamada Soomaaliya ay xuduudka imaadeen, sida uu shaaciyay Daily Nation.
“Waxaan helnay xogta ku saabsan waxa ka socda xadka laakiin arrintaas waxaa go’aankeeda gaaraya saraakiisha sar sare ee ku sugan magaalada Nairobi,” ayuu yidhi.
Ma jiro wax war ah oo ay Dowladda Soomaaliya kasoo saartay arrintan, mana jiraan saraakiil dhinaca Soomaaliya ah oo xaqiijiyay tallaabadaas lasoo tabinayo.
Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa aad u sii xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Kenya. Wasiirka warfaafinta dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo xalay warbaahinta dowladda ka hadlay ayaa ku dhawaaqay in Kenya ay xiriirka u jareen.
Dowladda Soomaaliya iyaadoo ka duuleeysa madax-banaanideeda qaran ee uu dammaanad qaadayo xeerka iyo qeynuunka caalamiga ah, gudaneysana waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta qaranimada, midnimada iyo xasiloonida ka saaran dalka, waxay go’aansantay iney xiriirka diblomaasiyadeed u jarto dowladda Kenya,” ayuu yidhi Wasiirka.
Go’aanka ugu dambeeyay ee kasoo baxay dowladda Soomaaliya kaddib, Kenya ayaa sheegtay inay dadaal ugu jirto xallinta xiisadda Xukuumadaha Nairobi iyo Muqdisho.
Afhayeenka dowladda Kenya Cyrus Oguna, ayaa sheegay in Kenya ay guddi u saartay xallinta khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya.
Mr Oguna ayaa sidoo kale sheegay in labada dal ay “xiriir dhow wadaageen sanadihii la soo dhaafay” ayna muhiim tahay in xirriirkaas la ilaaliyo.
“Wadahadallo ayaa soconaya si xiriirka labada dal uu ugu soo noqdo mid caadi ah,” Ayuu yiri Oguna.
“Waxaa jira guddi loo xilsaaray eegidda arrimaha soo kala dhex galay labadan dal ee wadaaga taariikhaha badan.” Ayuu ku daray.
‘Wax lagu farxo ma aha’
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa wax laga weydiiyay sida ay mucaaradka u arkaan heerka uu gaaray khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.
“Mowduuceenna maanta waa arrimaha doorashada, kumana saabsana xaaladda Soomaaliya iyo Kenya. Waan ka hadli doonnaa arrintaas. Waan ka xunnahay in labo dowladood oo daris ah uu xiriirkoodu meeshaas gaaro, asbaabtii keentay iyo sida looga bixi karana waan ka hadleynaa laakiin arrin fiican ma aha, wax lagu farxo ma aha in Soomaaliya iyo Kenya uu cilaaqaadkooda meeshaas gaaro,” ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.
Isbarbardhigga awoodda militari ee Soomaaliya iyo Kenya
Wargeyska Global FirePower, ayaa dhawaan soo bandhigay liiska muujinaya awoodaha milatari ee waddamada caalamka. Warbixintan waxaan ku eegeynaa farqiga awoodaha milatari ee dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.
Inkastoo arrimo badan lagu eegayo xogta waddamada, Soomaaliya ayaa tirada ciidanka u dhiganta ama wax yar ka hooseysa Kenya.
Waxaan isbarbardhig ku sameyneynaa awoodaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ee dhinaca milatariga.
Kenya

Kenya waxay kaalinta 84-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada, oo ka kooban 138 dal.
Tirada guud ee shacabka Keny waxay ka badan yihiin 48 milyan,
Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 19,600,998 ruux, oo u dhigma 40.5%, oo ka mid ah shacabka guud.
12,662,245 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.
Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 848,370.
Tirada ciidanka milatariga Kenya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 24,150 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Kenya.
Awoodda Ciidanka Cirka – Kenya
Isku darka 150 diyaaradood ayey leeyihiin ciidamada cirka ee dalka Kenya.
17 ka mid ah diyaaradahaas ayaa ah nooca dagaalka.
20 waxay kala gudbiyaan saanadda milatari.
32 waa diyaaradaha tababarka.
2 waxay fuliyaan howlgallada khaaska ah.
79 waa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaanno “Helicopters”.
Awoodda Ciidamada Dhulka – Kenya

Ciidammada dhulka Kenya waxay leeyihiin:
76 taangi.
479 gawaadhida gaashaaman ah.
30 madaafiicda iskood isu haga ah.
25 madaafiicda la jiido ah.
Kenya ma laha qalabka gantaallada lagu rido.
Awoodda Ciidamada Badda – Kenya
Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Kenya waxaa lagu sheegay 19.
7 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.
Kenya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha.
Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Kenya
Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Kenya waa $121,000,000 oo doolar.
Deynta dibadda waa $27,590,000,000.
Muhiimadda Juqraafi ahaan – Kenya
Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 580,367 km.
Dhulka xeebta ku teedsan waa 536 km.
Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 3,457 km.
Kenya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo.
Soomaaliya

Soomaaliya waxay kaalinta 136-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada, oo ka kooban 138 dal.
Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 11,258,029.
Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,702,167 ruux, oo u dhigma 24.0%, oo ka mid ah shacabka guud.
1,621,300 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.
Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 121,598 qof.
Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 20,000 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya.
Awoodda Ciidanka Cirka – Soomaaliya
Soomaaliya xilligan ma laha awood dhinaca ciidanka cirka ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka.
Taasi waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya aysan lahayn ciidan kuwa cirka ah iyo diyaarado toona.
Awoodda Ciidamada Dhulka – Soomaaliya

Soomaaliya waxay leedahay
10 taangi.
100 gawaadhida gaashaaman.
Soomaaliya ma laha madaafiicda iskood isu haga ah.
30 madaafiicda la jiido ah.
10 qalabka lagu rikabo gantaallada.
Awoodda Ciidamada Badda – Soomaaliya
Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Soomaaliya guud ahaan waxaa lagu sheegay 3.
11 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.
Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha.
Waxa soo saarka Saliidda – Soomaaliya
Ma jirto saliid laga soo saaro Soomaaliya.
Saliidda la isticmaalo waa 6,200 bbl.
Ma jirto saliid keyd ah oo la xaqiijiyay.
Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Soomaaliya
Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Soomaaliya waa $62,200,000 oo doolar.
Deynta dibadda waa $5,300,000,000.
Muhiimadda Juqraafi ahaan – Soomaaliya
Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 637,657 km.
Dhulka xeebta ku teedsan waa 3,025 km.
Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 2,385 km.
Soomaaliya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo.