Warbaahinta Muqdisho oo hakisay wada-shaqeyntii booliska iyo Macalin Mahdi oo soo fara geliyay

Suxufiyiinta ka howlgala warbaahinta madaxa banaan ee magaalada Muqdisho ayaa hakiyay baahinta wararka Booliska, iyagoo arrintaasi sabab uga dhigay cabasho ay ka qabaan taliska guud ee ciidanka booliska Soomaaliyeee.

Suxufiyiinta ayaa shalay iyo saaka iska diiday iney tagaan goob uu shir jaraa’id ku qabanayay Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, taasoo keentay inaan la baahin warkii ciidanka, maadaama warbaahinta ku hadasha afka dowladda oo kaliya ay soo xaadirtay shirkaasi.

Arrintan oo buuq ku furtay laamaha amniga ee dowladda ayaa waxaa kusoo baxay Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi, kaasoo suxufiyiinta ka codsaday iney usoo diraan guddi 10 ruux ka kooban si ay ugala hadlaan wixii tabasha ah ee jira.

Kulanka Macalin Mahdi iyo Suxufiyiinta ayaa haatan ka socda saldhigga boolisma degmada Waaberi, waxeyna suxufiyiinta wataan qodobo ay kamid tahay in warbaahinta dhqqadooda aan la hor-istaagin, in askarta qalabka warbaahinta isaga ororda la joojiyo iyo in la bedelo afhayeenka Booliska oo ay wadashaqeyn xumo ka tirsanayaan ama uu isbedel muuqdo la yimaado.

Lama oga waxa kasoo bixi kara kulankan, iyadoo booliska uu isku dayayo sidii si hoose loogu xalin lahaa tabashada suxufiyiinta oo mar