8″ June” Tuesday “2021” AP
Warbixin uu soo saaray Baaraha Khaaska ee Guddiga QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ayaa lagu bidhaamiyey inay Ciiddanka Soomaalida ee Tababarka loogu qaaday Eritrea ay ku lug lahaayeen dagaalka horseeday geerida Kumanaan qof iyo Barakaca Tobanaan kun oo kale ee gobolka Tigray
Warbixintaasi oo sumadeeda Tixraaca ahaa A/HRC/47/21 waxaa lagu xusay in Baaraha Khaaska ee QM soo gaareen Warbixin iyo Warar sheegayo in Ciiddanka Soomaalida ee Tababarka Milliteri laga qaaday Xeradii Tababarka, lana geeyey Jiidda hore ee Dagaalka ee Gobalka Tigrayga, waxayna Ciiddanka Soomaalida oo ay wehliyeen Milliteriga Eritrea ka gudbeen Xuduudka dalka Ethiopia.
Baaraha Khaaska ee Guddiga QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha waxa kale oo uu Warbixintiisa ku xusay inuu hayo warar muujinayo inay Dagaalamayaasha Soomaalida xilli xaadirkan ku sugan yihiin daafaha magaalladda AKSUN ee Gobalka Tigrayga ee Waqooyiga Ethiopia
Dowladda Federalka Somalia waxay horey u beenisay in Ciiddanka Tababarka loogu qaaday Eritrea ay ka qeyb qaateen Dagaalka ka socda Gobalka Tigrayga ee Ethiopia, iyadoo Guddiga Arrimaha Dibedda iyo Difaaca ee Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federalka ka codsadeen Madaxweynaha Somalia inuu faahfaahin ka bixiyey waayaha ay ku sugan yihiin Ciiddanka tababarka loogu qaaday Eritrea.
Baaraha Khaaska ee Guddiga QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha waxaa lagu wargeliyey in Guddiga Arrimaha Dibedda iyo Difaaca ee Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federalka ka dalbadeen Madaxweynaha Somalia in Guddi Xaqiiqo-raadin ah loo diro Caasimadda dalka Eritrea ee Asmara, si ay u soo baaraan Xaalladda ay ku sugan yihiin Ciiddankii Tababarka loo qaaday.
Si kastaba ha ahaatee, QM waxay ku baaqday in Baaritaan Madax-bannaan lagu sameeyey Tacadiyada, Weerarada, Bililqada iyo Kufsiga ka dhacay Xeryaha Qaxootiga ee Gobalka Tigrayga, oo lagu eedeeyo inay Ciiddamada Ethiopia iyo Eritrea geysteen muddadii u dhexeysay bishii November ee sanadkii hore ee 2020-kii ilaa bishii Janaayo ee sanadkan 2021-ka.
Ereteriya waxay ku eedeysay Mareykanka ‘deganaansho la’aanta’ Tigreega Itoobiya
Warqad uu u diray Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo la faafiyay Isniintii, Osman Saleh wuxuu ku eedeeyay maamulka Madaxweyne Joe Biden “hurinta khilaafaad hor leh iyo xasilooni daro” iyada oo loo marayo faragalin iyo cabsi gelin gobolka ah, sida muuqata “dib u soo noolaynaya haraagii taliska TPLF”.
In kasta oo uu ballan qaaday hawlgallada millatari inay soo koobi doonaan, ku dhowaad toddobo bilood ka dib, dagaalku wuu sii socdaa, warbixinnada ku saabsan xasuuqyada ayaa sii kordhaya, hoggaamiyeyaasha adduunkuna waxay ka digayaan masiibo bani’aadamnimo.
Jimcihii, UN waxay ka digtay in macaluul ay ku soo fool leedahay Tigray iyo woqooyiga Ethiopia, iyadoo sheegtay inay jirto khatar ah in boqolaal kun oo qof ay dhintaan.
Mark Lowcock, madaxa gargaarka bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dhaqaalaha la baabi’iyay oo ay weheliyaan ganacsiyo, dalagyo iyo beero isla markaana aysan jirin adeeg bangi ama isgaarsiineed.
Markhaatiyaal badan, kuwa ka badbaaday kufsi, saraakiil iyo samafalayaal ayaa sheegay in askarta Eriteriya oo garabsanaya ciidanka soomalida lagu arkay meel aad uga fog xuduuda, mararka qaarna ay xidhan yihiin dharka ciidamada itoobiyaanka, iyo xakamaynta jidadka muhiimka ah iyo marin u helida bulshada qaar.