New York, 21 Sebtember, 2023: –
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan doceed kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay Agaasimaha Maamulka Bangiga Adduunka, Anna Bjerde, oo ay ka wada haldeen xoojinta iskaashiga labada dhinaca iyo taageerada Bangigu siiyo Soomaaliya, taasi oo u gogol xaareysa horumar waara iyo koboc dhaqaale oo dalkeenu gaaro.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Faysal Bin Farxaan, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.