Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay wax ka bedel kooban ku sameysay qaar ka mid ah alaabaha

4″ May”2023″ Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay wax ka bedel kooban ku sameysay qaar ka mid ah alaabaha ka soo dega dekedda Muqdisho

Alaabaha wax laga bedelay waxaa ka mid ah sigaarka/shiishada, alaabta guryaha iyo xafiisyada (Furniture) gawaarida raaxada (Luxury cars), badecadaha isqurxinta (Cosmetics), Cabitanada (Drinks), Qalabka korontada iyo qalabka korontada ku shaqeeyo (Electric/Electronics), Dharka iyo kabaha, iwm.

Wax ka bedelkaas canshuuraha ma saameyn cuntooyinka qutul daruuriga ah, saliida, shidaalka, daawadda, qalabka caafimaadka, agabka waxbarashadda, warshadaha, iyo gaaska cuntada lagu karsado.

Sida Saraakiisha Kastamka Canshuuraha ay sheegeen canshuurta dowladdu ay qaado ma ahan mid ku saleysan qiimaha alaabta (Value based tariff) waan tariff ku dhisan qiyaas (Big Carton / Small Carton; Juuni, loor, lagaajo iwm) iyo qancin ganacsato.

Alaabta guryaha iyo xafiisyada (Furniture): Aqalka dhameystiran ee ka kooban sariir laba nafar ah, armaajo, tawleet iyo laba komidin waxan la canshuri jiray $43 USD iyadoo qiimaha suuqa uu u dhaxeeyo 1000 USD – 3,000 USD

Kabaha (Shoes): Kabaha lebiska (Celcelis ahaan 6 Dersin – 72 Joog) canshuurtoodu waxa ay aheyd 3.5 USD (0.05 joogi). Qiimaha kabaha suuqa waxa uu dhaxeeya 30 USD – 120 USD