
24-April-2024″ WAR-MURTIYEED KU SAABSAN
XIRIIRKA DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA IYO DOWLAD GOBOLEEDYADA⤵️
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe waxa uu ugu yeeray Inaysan marnaba siyaasadeynin arrimaha masiiriga ah ee dowladnimada Soomaaliyeed sida: midnimada, wadajirka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee dalka, Amniga iyo bedqabka muwaadinka kadib markii uu madaxweynuhu uu caawa aqalka Madaxtooyada ka soo saaray Qormo u muuqtay Inay tahay gardhigasho iyo caqli celin
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal kooban ku soo ururiyay xaalada guud ee wadanka laga soo bilaabo 15-kii May 2022_dii markii dib loogu doortay xaafiiska, halkii uu dalka ka soo qaaday “Xiriirka Dowladda dhexe Iyo Dowlad-Goboleedyada Iyo ka dhabeeynta howshii loo igmaday ayaa yiri
“Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee aan hoggaamiyo waxay ugu horreyntiiba mudnaan gaar ah siisay xiriirka wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya dowlad goboleedyada iyadoo saldhig uga dhigaysa mabaadi’da dastuureed ee hagaysa hannaanka wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada si loo dardargeliyo fulinta ajendayaasha qaran oo ay ugu horreeyaan adkaynta amniga dalka, dhammaystirka Dastuurka Dalka oo dabranaa muddo ka badan 10 sanadood, xoojinta federaalaynta dalka iyo horumarinta dhaqaalaha ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo intaas aan kaga harin qormadiisa
“Nasiib wanaag, muddadii koobneyd ee aan talada Dalka hayey, Dowladda Federaalku waxay ka mirodhalisay xaqiijinta inta badan ajandeyaashii mudo inagu madlanaa inaga oo guulo ka gaarnay la-dagaalanka khawaarijta oo aan deegaano baaxad weyn ka saarnay, qaadista cunaqabateyntii hubka ee ina saarnayd in ka badan muddo 30 sano ah iyo cafinta deyntii naga hortaagneyd maalgashiga caalamiga ah ayuu ku xusay qormadiisa Madaxweynaha oo soo hadalqaaday waxyaabaha u qabsoomay iyo caqabadaha ka horyimd
“Dowladda Federaalka waxa ay horumar ka sameysay dibu-eegista lagu dhammaystirayo D犀利士 astuurka J.F.S iyada oo sameysay wadatashiga saamileyda siyaasadeed iyo si gaar ah talo aruurin dadweyne si toos ah iyo si danabeysanba (Online), welina waxa ay dowladu dhiirigelinaysaa wada-xaajoodka iyo wada-tashiga lagu dhameystirayo dastuurka dalka ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo qormadiisa ku cadeeyay In uu ku raad joogo Sidii shacabka Soomaaliyeed ay u gaariblqhaayeen himillooyinka ay hiigsanayaan ee ah helidda dowlad hagaagsan oo dimoqraadi ah kana shaqeysa baraaraha muwaadinka Soomaaliga ah
Madaxweynaha Somalia waxa uu hoosta ka xariiqayaa in Dawladda Federaalku dadaal farabadan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada si gaar ahna Dowladda Puntland si uu noqdo xiriir sharci ah oo ku salaysan danta dadka iyo dalka, welina ay ka go’an tahay in Dawladda Federaalku ay sii wado dadaal kasta oo lagu hagaajinayoo Xiriirka Dawladda Puntaland iyo dowlad goboleedyada kale si dadka Soomaaliyeed u xaqiijiyaan himilooyinkooda Dawladnimo.
Hadaba, Dowladda Federaalka waxaa ka go’an sidii horeba in aysan marnaba siyaasadeynin waajibka ka saaran wadashaqeynta labada heer dowladeed ee federaalka si gaar ah arrimaha ku saabsan dhaqaalaha, horumarinta iyo la tacaalidda arrimaha bini’aadannimada iyadoo oo adkeynaysa waajibka iyo xuquuqaha dastuuriga oo ay leeyihiin Dowlad goboleedyadu.
Ugu dambeyn, anigoo gudanaya xilkeyga dastuuriga ee ah ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka waxaan xusuusinayaa sida uu qabo Dastuurka Dalka in dowlad goboleedyadu aysan marnaba siyaasadeynin arrimaha masiiriga ah ee dowladnimada Soomaaliyeed sida: midnimada iyo wadajir Dalka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee Dalka, amniga Dalka, iyo bedqabka muwaadinka.
