Wasaarada Caafimaadka oo la soo gaarsiiyay deeq lacageed

Wasaarada Caafimaadka dowlada federalka Soomaaliya ayaa la soo gaarsiiyay deeq lacag ah oo ka timid 50,000 oo ah kaalmo maaliyadeed oo ka timid Sanduuqa is-garab-istaagga Islaamka ee Ururka Iskaashiga Islaamka si wax looga qabto saamaynta COVID19.

Deeqdan lacageed oo gaareysa konton kun oo dollar ayaa waxaa Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Fawsiya Abiikar Nuur ay ka guddoontay Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji.

Munaasabadda wareejinta lacagtaasi oo lagu qabtay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ergeyga Joogtada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Mudane Cabdirisaaq Siyaad Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Caafimaadka.

Dalka Soomaaliya ayaa laga diiwaangeliyay dad gaaraya 3,119 ruux inuu ku dhacay cudurka Covid-19,ayna u dhinteen dad gaaraya 93

Leave a Reply