13- January-2024

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeeda ayaa ku dhawaaqay in muddo seddex cisho ah la hakiyey tartanka Kubadda Cagta Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Dheeho News Every Day
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeeda ayaa ku dhawaaqay in muddo seddex cisho ah la hakiyey tartanka Kubadda Cagta Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ciyaarta u horreyso la ciyaari doono 16-ka bishan oo ku beegan maalinta Talaadada ah ee soo socota, sida lagu sheegay qoraalka.
Go’aankan ayaa waxa uu kusoo aadayaa, xilli xalay la weeraray baskii ay saarnaayeen ciyaartoyda Koonfur Galbeed, waxaana falkaasi cambaareeyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Taliska Booliska Gobolka Banaadir iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin oo si kulul uga hadlay weerarka xalay lagu qaaday xu壯陽藥 lka ciyaartoyda kubadda cagta Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay qaadi doonaan tallaabo deg-deg ah, ayna baari doonaan dhadcdaasi.