Wasiir Axmed Cawad 2 Sano Iyo Bar Fadeexooyin, Musuqmaasuq Iyo Wax Is Daba Marin uu Ku kacay

Wasiir Axmed Cawad oo ceeb iyo fadeexad kala tagi doona Wassaraadii uu soo maamulayay 2di Sano iyo barkii u dambeeyey

Waxaa si isdaba joog ah usoo ifbaxaya fadeexooyin musuqmaasuq iyo wax is daba marin aad u baahsan oo uu kukacay sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaaha Dibadda Axmed Ciise Cawad muddadii uu Wasiirka ahaa illaa haddana sii wada isagoo noqday, Wasiirkii ugu tayada xumaa uguna liitay ee Soomara taariikhda Wasaaradda si buuxdana u baabi,iyay haykalkii qaab dhismeedkii iyo tayadii shaqo ee Wasaaradda.

Wasiir Cawad waa nin ku caan baxay musuqmaasuq, qabyaalad iyo eex aan geed loogu gaban, isagoo ka caada dhigtay laaluush qaadasho & tahriibinta dadka si uu u sameeyo lacag badan mudada uu xilka hayay.

Axmed Ciise waa Wasiirkii u horreeya taariikhda ee magacowda qof uqaabilsan arrimaha tahriibka & iibinta fiisooyinka dadka usocda dalalka Turkiga, Yurub & Maraykanka, iyo dadka loo magacaabo Safaaradaha dibadda oo la sheegay in laga qaato lacago aad u farabadan, kaasoo ah wiil uu adeer uyahay oo magiciisa lugu sheegay (Suhayr).

Suhayr wuxuu caan ka yahay khaatirna ka taagan Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo maalin walba uu geeyo tobanaan Baasaboor oo shacab ah oo dadkoodi laga soo qaatay lacago u dhaxeya 4000-6000 dollar midkiiba, Wasiirka Cawad Ayaana si toos ah uga codsatay Safaaradda inay kala shaqeeyaan wiilkaas wixii khuseeya Arrimaha Fiisooyinka iyo dadka Turkiga loogu dirayo daawayn Caafimaad

Wasiirki hore Axmed Cawad isagoo ku gabanaya inuu xoojinayo tayada shaqada Wasaaradda wuxuu Hay,adaha UN,ka iyo kuwa caalamiga ah ee dalka joogaa ka shaqaalaysiistay dad uu ku sheegay inay u yihiin lataliyayaal Wasaaradda kuwaas oo tira ahaan ka badan 10 ruux oo kan ugu yar la siiyo lacag dhan $5000 hal meel ama dhowr meelood oo kala duwan, dadkaas dhamaantood waa reerkiina hoose qaarkoodna dalkaba ma joogtaan . Waxaana xusid mudan in ay leedahay Wasaaraddu lataliyayaal rasmi oo kasoo shaqaynayay muddo dheer, Wasiir cawadse uu cagta ayuu kudhuftay sharcigi uyaalay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Cawad wuxuu waaxda Maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda u magacowday nin uu abti u yahay oo magaciisa lagu sheegay Saacid Aadan shaqaalaha rasmiga ahna aan kamid ahayn kaasoo uxada una qariya lacagaha Wasaaradda bil kastana account gaar ah ugu shuba Cawad lacag ka badan $80,000 dollar oo ah running castiga Wasaaradda
Iyo lacago kale oo farabadan oo laga helo Safaarado Ajanabi 

Saacid wuxu hadda dhamaystiray gurigii labaad oo Cawad uu uga dhisayo Magaalada Garoowe isna mid buu ka dhistay isla Garoowe taasoo ah wax la wada og yahay, oo aan kaqarsoonayn inta badan dadka yaqaano Cawad & Saacid.

Wasiir Cawad wuxuu si sharci darro qaawan ah Garoowe uga furay Qunsuliyad Guud oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ah, isagoona halkaas geeyay TIIMBARIHI (Stamp) ka Wasaaradda madaxna uga digay nin uu banaanka kasoo qortay oo uu adeer hoose u yahay, Qunduliyadaas sharci darrada ah waxay hadda qabtaa dhammaan shaqooyinki ay lahayd Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo xitaa ay ku jiraan la xiriirida dowlaha iyo safaaradaha Ajanabiga ah.

Akhlaaq ahaan Cawad waa nin ku caan baxay xumaan, tumasho, iyo fisqi, isagoo markuu dalka joogo gurigiisu yahay meel toddobaad kasta dhowr jeer lugu qabto wax lugu sheego Party laakiin dhab ahaanti ah tumasho iyo qoob kaciyaar lugu wax-yeeleeyo gabdha yar yar oo Soomaaliyeed oo lasoo qalday ayna ku baxdo dhowr boqol oo dollar habeen walbo, lacagahaas oo laga musuqmaasuqo Wasaaradda

Leave a Reply