
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta Caasimadda Muqdisho kulamo salaan iyo is-xogwareysi ah kula qaatay qaar ka tirsan Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada dalka.
Wasiir Xoosha ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada; Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.
Kulanka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo madaxda Dowlad Gobaleedyada; Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle daarnaa wadashaqeynta labada dhinac, dardargelinta howlaha hortebinnada u leh iyo qaar kale.
犀利士