Wasiir FIQI oo Maamulka Muusa Biixi ku eedeeyay dilkii uu ka badbaaday Ugaaska iyo tallaabo uu qaaday

28-Feb2024

Isku-dey fashilmay oo la rabay in khaarajiyo Ugaas dhaqameed reer waqooyi ah oo ku sugan Muqdisho ayaa banaanka soo dhigay cida ka dambeeysa dilalka qorshaysan ee dadka ka soo jeeda Somaliland loogu geeysto caasimadda

Wasiir Fiqi ayaa Maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi ku eedeeyay isku-deyga fashilmay ee la rabay in lagu khaarajiyo Ugaaska, oo isagu si adag uga soo horjeeda maamulka Biixi.

“Ugaas Mahiigaan oo kamid ah dhaqanka ka soo jeedaa Gobollada Waqooyi ayaa ka badbaaday shirqoolka kooxo taabacsan Maamulka Gobolada Waqooyi waxayna u geysteen dhaawacyo culus,” ayuu Wasiir Fiqi qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

Ugaas Axmed Saleebaan Shidde oo ka mid ah salaadiinta dhaqanka ee ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa sheegay inuu ka badbaaday iskuday dil, isagoo ka sheekeyey dhibka soo gaaray iyo cidda uu tuhmayo.