19″ Aug” 2022″ SONNA” 犀利士 e> Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegey iney ka shaqeyn doonaan sidii loo laba jibaari lahaa howaha kala duwan ee la xiriirta gurmadka abaaraha ee dalka . Wasiirka ayaa xusay in la buddhigay heyaddi qaban laheyd howlaha samofalka iyo gurmadka ee lagu badbaadinaayo dadka barakacayaasha ah ee la ildaran waxyeelada abaaraha. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in la diyaariyay xarumihii iyo goobihii kale ee loo qorsheeyay keydadka raashinka ee ku socda dadla liita. Wasiirku waxa uu ka dhawaajiyay in ay horyaalaan shaqo culus iyo waajibaad qaran, sidaa daraadeed,waxaa lagama maarmaan ah ayuu yiri in aan ku howlgalno wadajir iyo midnimo laga dheehan karo daacadnimo. Wasiirka arimaha gudaha somalia Axmed macalin fiqi ayaa xusay muhiimada ay leedahay in la buddhigay heyaddi qaban laheyd maareeynta masiibooyinka si loo dardar galiyo howlaha samafalka iyo gurmadka lagu badbaadinaayo dadka barakacayaasha ah ee la ildaran waxyeelada abaaraha. pic.twitter.com/L1YJ1fbwTW— Elmi Farah Boodhari (@BoodhariFarah) August 19, 2022