October 23, 2023′ BBC
Booliiska dalka Kenya ayaa xabsiga ka sii daayay Ubax Cabdi oo loo xiray ka qeybgalka kulan lagu taageerayay Falastiin oo ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Ubax ayaa lala xiray laba nin oo kale, waxaana saddexda qof la sii daayey Axaddii iyadoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin ka dib markii ay si weyn u dhaleeceeyeen qaar ka mid ah dadka Kenyaanka ah, siyaasiyiinta iyo ururada xuquuqul insaanka, Lama oga sababta dhabta ah ee loo xiray gabadhan iyo dadka kaleba.
Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Kenya lagana soo doorto deegaanka Kamukunji ee ay hoos tagto xaafadda Soomaalidu u badan tahay ee Islii ayaa cambaareeyay xarigga.
Madaxa hay’dda Amnesty International ee Kenya, Irũngũ Houghton, ayaa sheegay in carqaladaynta kulanka ay ahayd “mid sharci darro ah” oo “aad looga xumaado”.
Waxaa soo qabanqaabiyay guddiga midnimada Falastiiniyiinta Kenya ka dib markii ay booliisku joojiyeen mudaaharaad hore oo ay kooxdu ku qorsheysay bannaanka safaaradda Mareykanka.
Gabar Soomaali oo Jarmalka loogu xiray taageerada Falastiin
Toddobaadkii tagay waxaa baraha bulshada ku baahay gabar Soomaaliyeed oo haysata calanka falastiin, taas oo meel wadda ah ay ka qabteen booliska magaalada Jarmalka ee Frankfurt.
Lama xaqiijin karo in ay weli xiran tahay iyo in kale, balse dalka jarmalka waxaa ka mamnuuc ah dibad baxyada lagu taageerayo Falastiin iyadoo booliska dalkaasi uu soo saaray xayiraad ku aaddan dibad baxyada noocan ah bilowgii dagaalka xamaas iyo Israa’iil.
Waxa ay sheegeen boolisku inay ka cabsi qabaan inay dibad baxyadu horseedaan, hadallo nacayb oo ka dhan ah dadka Yuhuudda iyo qalalaase.
In kasta oo mamnuuciddu jirto, dad badan ayaa isugu soo baxay fagaaraha Hermann ee degmada Neukolln iyo agagaarka Waddada Sonnenallee iyaga oo ujeedkoodu ahaa in ay qabtaan mudaaharaad aan la oggolayn oo lagu taageerayo Falastiin
Waxa ay ku qeylinayeen halku dhigyo ay ku taageerayaan falastiin, waxaana jiray muran dhex maray iyaga iyo dadkii wadada marayay.
Ciidamada booliska oo qaaday tallaabooyin badan oo lagu sugayo ammaanka agagaarka fagaaraha ayaa adeegsaday ogeysiisyada baabuurta si ay u codsadaan in kooxda la kala diro.
Dad badan oo aan u hoggaansamin amarka ayaa la xiray.
Qabanqaabiyaha labada isu soo bax ee midnimo, Initiative Palestine, ayaa ku eedeaysay booliiska cunsuriyad, isagoo sheegay in tillaabooyin dheeri ah dib lagu dhawaaqi doono.
Isu soo baxyada waxaa loo mamnuucay “sababo cunsurinimo ah,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo dhigtay website-keeda.
“Si kastaba ha ahaatee, nala aamusiin maayo. Waxaan ku wargelin doonaa tallaabooyinka soo socda ee lagu keenayo (arrinta) Falastiin waddooyinka Berlin,” ayay raacisay.
Xeerarka Yurub uga yaalla taageerada Xamaas
Dalalka Yurub, Mareykanka iyo kuwo ka tirsan galbeedka ayaan laga ogolayn taageerada ururka Xamaas oo ay u aqoonsan yihiin urur argagixiso ah, hase yeeshee qaar badan oo ka mid ah dalalkan ayaa mamnuucaya ama xaddida dibadbaxyada lagu taageerayo Falastiin.
Jarmalka oo uu ka talin jiray xisbigii Yuhuudda necbaa ee Naasiga ayaa ka cabsada inay dalkiisa ka dhacaan waxyaabo la xiriira xisbigaas la mamnuucay ama gebi ahaanba wax ka dhan ah dadka Yuhuudda oo malaayiin looga dilay dalkaas xilligii dagaalkii labaad ee aduunka.
Toddobaadkii lasoo dhaafay, kaddib weerarkii ay Israa’iil ku qaadday isbitaal Qasa ku yalla, waxaa qyebo kala duwan oo caalamka ah, ayna ku jiraan dalal Yurub ku yaalla ka dhacay mudaaharaadyo looga soo horjeeday weerarkaas.
Inkastoo mudaaharaadyadan ay dhaceen, haddana waxaa dadka laga hor istaagayay erayada nacaybka ku dhisan iyo qalalaase sida gubidda meelaha, iyadoo dibadbaxayaasha qaar ay ku hor bannaanbaxayeen safaaradda Israa’iil.