Wasiirka Amniga Galmudug oo War Kasoo Saaray Shirka Dhuusamareeb 3

Wasiirka aminiga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa war kasoo saaray shirk aka socda Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, waxaana uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya shirk ka socda Galmudug ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo Madaxda maamul Goboleeduyada Dalka.

“Madaxda Galmudug waxay dadaal xooggan iyo xiriiro joogto ah ku bixinayaan sidii Shirka lagu gorfaynayo arrimaha siyaasadda dalka looga soo wada qeybgali lahaa, Galmudug gogosha taalla waa mid Soomaaliyeed, kuna soo aaday waqti xasaasi ah oo kalsooni xumo badani ay jirto, balse marxalada dalku marayo iyo waqtiga la joogaba waxay waajibinayaan In isu tanaasul, wadatashi iyo wada-oggol looga gudbo lana wada yimaado Shirka Dhusamareeb 3” ayuu yiri wasiirka aminiga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Fiqi waxaa uu sheegay isaga oo sii hadlayay in maamulka galmudug ay dhex –dhexaad ka yihiin shirka aysana jirin dhinac ay la safan yihiin “Dawladda Galmudug marka laga reebo mawaaqifteeda ka maamul ahaan oo ay xaq u leedahay, waxay u dhexaysaa madaxda  ku ballantay Shirka Dhusamareeb 3 mana jirto dhinac ay u janjeerto iyo dhinac ay ka xaglinayso”.

Shirka Dhuusamareeb3 ayaa wali waxaa gogoshiisu ay taallaa Dhuusamareeb, waxaana ila iyo hadda shirkaasi u xayiran yahay madaxda maamul Goboleedyada kala ah puntland iyo Jubbaland, mana jiro shir toos ah oo billawday marka laga tago shirar gooni gooni ah oo ay leeyihiin madaxda halkaasi ku sugan

Leave a Reply