Wasiirka Amniga Gudaha oo kulan hordhac ah la qaatay Ugaas Maxamed iyo Dadka deegaanka Caabudwaaq

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray degmada Caabudwaaq, ayaa kulamo hordhac ah la qaatay waxgaradka deegaanka oo uu hoggaaminayo Ugaas Maxamed Ugaas Axmed.

Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa tilmaamay in uu deegaanka u yimid sidii loo sii xoojin lahaa nabadda iyo xasilloonida, isla markaana aysan dowladda federaalka Soomaaliya marnaba ogoleyn inay deegaanka ka dhacaan wax kasta oo dhaawacaya nabadda iyo xasiloonida bulshada.

Kulankaan waxaa Wasiir Fartaag ku wehliyey Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Agaasimayaal, siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Waayeel.