Wasiirka Amniga oo faahfaahiyey amarkii uu soo saaray ee ku saabsanaa ciidamada NISA ee ka howlgala garoonka caalamiga ee Adan Cadde in boolis lagu baddalo.

2″ January “2022” Muqdisho

Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa faahfaahiyey warqad uu maalinti shalay ahayd uu soo saaray oo ku saabsaneyn ciidamada NISA ee ka howlgala garoonka caalamiga ee Adan Cadde in boolis lagu baddalo.

Wasiirka oo faahfaahinaya amarkaasi cidda uu sida gaarka ah u quseeya ayaa sheegay inuu amarkaasi quseeya oo kel犀利士 i ah ciidamada dharcadda ee ka howlgala gudaha garoonka diyaaradaha (Terminal).

Wuxuuna intaa raaciyey inuu quseynin ciidamada gacanta ku haya baraha koorntaroollada ee laga galo garoonka Aadan Cadde.

Wasiirka ayaa faray taliska NISA in ciidanka uu kasoo saaro garoonka, islamarkaana amniga guud ee garoonka inuu ku wareejiyo ciidanka Booliiska Soomaaliya, inkastoo aan wali looga soo jawaabin

Leave a Reply