Abshir Cilmi Haruuse ayaa gaaray Garoowe ka dib markii uu Iska casilay Xilka Wasiirka arrimaha dibadda XFS

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa iska casilay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda. Dheeho News Every Day

“Waxaan maanta oo taariikhdu tahay 18-ka December/2023 go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, anigoo aminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay qarankayga, ilaaliyeyna mas’uuliyadii balaarnayd ee madaxda qaranku igu aamineen” ayuu yiri mudane Abshir Cumar Jaamac.

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo Golaha Wasiirada oo ay soo wada shaqeeyeen muddo ku dhow sanad iyo bar.

“Bismilaah. Waxaan maanta oo taariikhdu tahay 18-ka December/2023 go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, anigoo aminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay qarankayga, ilaaliyeyna mas’uuliyadii balaarnayd ee madaxda qaranku igu aamineen” ayuu ku yiri is casilaadiisa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya

壯陽藥 gure>

Leave a Reply