Daawo: Wasiirka Batroolka oo ka shifay qorshe uu Deni shidaalka ka damacsanaa oo DF ay ka diiday

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Puntland Saciid Deni, isagoo ka jawaabaya hadalkiisii maanta uu ku eedeeyey dowladda federaalka.

Wasiirka ayaa sheegay in Saciid Deni laga baari waayey shidaalka ku jira deegaanada Puntland, “Deni wuxuu hor istaagay in sahmin shidaal laga sameeyo Puntland,” ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamed

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa madaxweynaha Puntland Saciid Deni ku eedeeyey inuu garan waayey in MAP-kaas la sameeyey waqti hore oo qaladkaas uu ku dhacay si aan ku talagal aheyn.

“Deni wuxuu la yimid shirkad uu sheegay inay baaritaanka shidaalka u sameyneyso Puntland, wuxuuna xujo ka dhigay in saxiixa dowladda federaalka uu wax ku yeelanayo, balse waa ka diidnay taas, xitaa shirkaddu waa cadeysay in masuuliyada saxiixa ay aqoonsan tahay in dowladda dhexe ay leedahay,” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq.

Masuuliyadeena kama carareyno qaladka dhacay waan ka dabategeynaa waan saxeynaa, waana ka raali gelineynaa umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka ayaa u jawaabay siyaasiyiinta kale ee dhaliilay wasaaradda, “Ka dhaafa kicinta bulshada Soomaaliyeed, nama niyad jabinayaan hadalada xanafta leh ee shaqada socota aad ku carqaladeyneysaan,” ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamed.