Wasiirka Cali Xoosh oo Garoowe loogu Dhigay Xaflad weeyn oo Taageero Ah

20- April-2024 ” Munasabadda Hambalyada Wasiirka Arrimaah Gudaha Dowladda Faderalka Soomaaliya oo lagu qabtay Magaaladda GAROWE.

Waxaa magaladda Garoowe caasimadada Puntland lagu qabtay Munasabad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu soo dhaweynayo Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ,Faderalka & dibu heshisiinta Mudane, Cali Yususf cali Xooash.

Munasabadda waxaa kasoo qaybgalay Aqoonyahano Siyaasiinta,masuuliyiin xilal kasoo qabtay Puntland iyo DowladdaFadrealka Nabadoonadda Cuqaal Dhalinyaro Qurbajoog iyo waxgarad kale oo kamid ah bulshada Puntland.

Kaqaybgalayashu waxaa si qotodheer uga hadleen halka uu marayo xiriirka Dowladda dhexe iyo Puntland kasoo mudo soo jiitamayey ,waxaana ay ujeediyeen Madaxda Dowladda Faderalka Iyo Puntland in miiska wada hadalka lakeeno khilafaadka kusalaysan sharciyadda ,iyadoo Meesha laga sarayo wixii la xiriira dan shakhsiyeed.

Madaxda iyo waxgaradka kulanka ayaa ugu baaqay madaxda Puntland in ay dhowraan dastuurka iyo shuruucda u dagan Puntland, iyadoo laga waantobayo caburinta ,cagajugleynta iyo handadada kusabsan fikirka muwadiniinta Puntland .