Wasiirka Dastuurka Shirka Dhuusamareeb waxaa lagu go’aamin doono habka doorashada dalka

Sii hayaha Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac ahna Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ka baaraan dagida tallooyinka la xiriira hannaanka doorashada ayaa shir jaraa’id oo caawa ku qabtay magaalada Dhuusamareeb waxaa uu ku sheegay in madaxda ka qeyb galeysa Shirka Dhuusamareeb 3 ay maalmaha soo socda go’aamo ka gaarayaan, ayna isla meel dhigi doonaan hannaan doorasho oo suurta gal ah iyo habka ugu habboon ee dooorasho lagu geli karo.

Wasiir Saalax ayaa sheegay in Madaxda ay uga warbixiyeen shaqooyinkii ay soo qabteen, halka wax u marayaan, lana wadaageen xulashooyinka doorasho lagu geli karo, isagoo xusay in Dhuusamareeb loogu fadhiyo Shirkii horay loogu balamay.

Shirka Jaraa’id ee Wasiirka Dastuurka ayaa yimid kadib markii ay la kulmeen Guddiga Farsamada ee ka baaraan-dagga tallooyinka la xiriira hannaanka doorashada Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Hase yeeshee kulankan ayaan waxaan ka qeybgalin Xubnihii matalayay Dowlad Goboleeyada Puntland iyo Jubbaland iyo weliba Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland

Leave a Reply