16″ November 2022″ Muqdisho
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha ciidanka xooga Dalka Sareeyo Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta Muqdisho kulan kulq qaatay Safiirka Midowga Yurub iyo Sarakiil ka socda Midowga Yurub.
Wasiirka iyo Taliayaha ayaa kala hadlay Safiirka Taakuleeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca howgallada socda iyo sidii Midowga Yurub ay uga gacan siin lahayeen Ladagaallanka Argagaxisada
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa is dhaafsaday sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo awoodda ciidamada xoogga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab. Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub kaalinta ay ka qaadato doorka ku aadan taageeridda ay siiyan Ciidanka Xoogga Dalka