20″ September “2022” Hiiraan
Wasiirka Gaashaandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga, Gen Odowaa Yuusuf Raagge ayaa maanta ayaa gaaray deegaano hoos yimaada degmadda Buuloburte ee gobolka Hiiraan.
Saraakiisha Ciidan iyo Wasiirka ayaa deegaannada ay tageen waxaa kamid ah deegaanka Yasooman oo hoos yimaada degmada Buulo-burde.
Wasiirka iyo talyaha ayaa halkaasi kula kulmay Ciidanka Xoogga iyo Saraakiisha Hoggaamineysa, iyaga oo ka dhageystay Warbixin ku aadan Howlgallada ka socda Gobolka Hiiraan.
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ciidanka ku boggaadiyay howlgalka ay wadaan, isaga ku boorriyay in ay sii xoojiyaan lana wareegaan deegaannada ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Al-shabaab weli gacanta ku hayaan