Radodalsan
Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta kulankii lixaad ee kal-fadhiga 2-aad ee Golaha ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.
Kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal iyo ku-xigeenkiisa, isla markaana waxaa looga dooday Ajendayaal dhowr ah, waxaana kamid ah
XAYEEYSIIN

1-Akhrinta Koowaad ee Shuruucda kala ah
2-Dhismaha Ciidanka Booliska Galmudug.
3- Hay’adaha Samafalka aan Dawliga aheyn.
4- Maareynta Deegaanka Galmudug.
5- Dhismaha Dawladaha Hoose.
Wasiirka Bay’da Galmudug Siciid Siyaad Shirwac, Wasiir ku-xigeenka Arimaha Gudaha iyo Dowlaha hoose iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Galmudug ayaa Wasiir kasta Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug u sharaxay muhiimada sharcigaan uu leeyahay Galmudug, iyaga oo ka codsaday Xildhibaanada inay aqrinta kadib meel mariyaan Sharciyadaan Wasaaraduhu soo diyaariyeen.
XAYEEYSIIN

Xildhibaanad Baarlamaanka Galmudug ayaa soo aqrin doona sharciyeedyada ay soo diyaariyeen saddexda Wasaaradood, si Xildhibaanada wax kabadal ugu sameeyan ama loo ansixiyo sharciyada
XAYEEYSIIN
