Wasiiro ka tirsan xukuumadaha Somalia iyo UK ayaa meel adag Iska taagay dooda qaar ka mid ah baarlamaanka Britain ay ku doonayaan kala gooynta waqooyiga iyo koonfurta somalia

19″ January “2022

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Jamaal Maxamed Xasan ayaa u jawaabay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowladda Ingiriiska ee Gavin Williamson, kaasi oo u ololeynaya aqoonsiga Somaliland.

Wasiir Jamaal oo ka Jawaabayay Qoraal uu soo dhigay Xildhibaan Williamson bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu Wasiirka ku tilmaamay Xildhibaanka in faham la’aan buuxda ka haysato xaqiiqada jirta dhulka Soomaaliya.

Wasiir Jamaal oo si kulul ku wareeray Xildhibaan Gavin oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiiriiska ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin sabab uu Gavin u farageliyo dal madax-banaan arimihiisa gudaha, maadaama si sharaf dhac ah looga eryay dawladdii uu ka tirsanaa.

“Qof si sharaf dhac ah looga eryay dawladii uu ka tirsanaa sababo la xidhiidha inuu faafiyey xogta amni ee qarankiisa; ma haysto sabab faragelin dal madax-banaan arimihiisa gudaha, inaad taageerto gooni u goosadna waxay wax ku sii kordhineysa boogahaagi” ayuu yiri Wasiir Jamaal oo u jawaabaya Xildhibaanka UK.

Xildhibaan Gavin Williamson ayaa Baarlamaanka Ingiriiska horgeeyay Mooshinka arrinta aqoonsiga Somaliland oo Baarlamaanka UK xalay dood adeg ka yeeshay arrintaas, wuxuuna Xildhibaanka sharraxaad dheer ka siiyey horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay dhinacyada amniga iyo dimuqradiyadda.

Wasiirada Horumarita Africa we dowlada Britain ayaa boggeeda Twitter ku cadeeysay mowifka dowladeeda

Dooda dib u dhigista ee @HouseofCommons waxay hoosta ka xariiqday mawqifka joogtada ah ee dawladda UK ee maqaamka Somaliland.

Waa in SL & Federaalka Soomaaliya 🇸🇴 ay aayahooda ka tashadaan.

Waxaan sii wadeynaa wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya & SL ee dhanka dimuqraadiyadda, amniga & barwaaqada.

Halkan ka daawo doodii Baarlamaanka Britain

Leave a Reply