22- April-2024- BBC “Wuxuu ku dhashay miyiga buuraha Calmadow ee ku teedsan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, Cabdillaahi Jaamac Maxamed, hadda waxaa uu naawilayaa inuu noqdo halyey oradka Soomaaliya, ka dib Cabdi Bille Cabdi oo sanadkii 1985 oo Soomaaliya heer caalami ah u keenay bilad dahab ah.
Sida uu BBCda u sheegay orodyahan Cabdillaahi Jaamac Maxamed, qoyskiisa waxay hiddo u leeyihiin orodka wuxuuna xasuustaa in awoowgii Maxamed Cali Shaywaal lagu yaqaannay deegaankooda inu ahaa nin orod badan oo xitaa orod ku soo qabta ‘ ugaarta’.
Wuxuu yaraantiisa jeclaa orodka, “waalidkay waa iga gacan siin jireen inaan ordo, hooyaday way ii ogolaan jirtay inaan ordo ama tartan oroda ka qayb galo, laakiin way ii diidi jirtay inaan kubad aado” ayuu BBCda u sheegay Cabdillaahi.
Cabdilaahi, wuxuu sheegay inuu markasta lahaa riyo ku jirtay laabtiisa uuna xoogga saari jiray inuu maalin uun ka rumyeeo oo arko isagoo bilad ku guulaystay.
Nolosha Qoyska Cabdullaahi
Qoyskiisu waxay horraantii ku noolayeen miyiga buuraha Calmadow oo ka tirsan gobolka Sanaag, Cabdullaahi , wuxuu sheegay in nolosha qoyskiisu ahayeen wax u uku tilmaamay ‘ Ma qadaa ma dhargaan’.
Markii qoyskiisu u soo guureen magaalada Ceerigaabo isagoo da’a ahaan yar Cabdullaahi, wuxuu sheegay waalidkii wali la hardamayeen nolosha magaalada ee ay soo dageen.
“Orodku wuxuu ii ahaa wax igu dhex nool oo an jeclaa” ayuu intaa raaciyey Cabdullaahi.
Wuxuu xasuustaa Cabdullaahi, in maalin gurigooda aysan ool wax dhaafsan waxa maalintaa dabka la saaray, isaguna lahaa orod galabtaas.
“Lacagtii iigu horeysay ee an ka helo tartan orod oo an galay waxay ahayd konton dollar, marka waan xasuustaa waxaan lacagtaas raashin ugu soo gaday guriga maadaama an ogaa xaalada lagu jiray” ayuu BBCda u sheegay Cabdullaahi.
Labadiisa waalid ayuu sheegay inay u ahaayeen dhiirigaliyaal inuu orodka ka gaaro meel sare.
“Hooyaday waxay ii gaday kabihii ugu horeeyey oo an ku ordo, xitaa wali wan xasuustaa kabaha midabkoodii iyo siday ii caawiyeen waa kan horseeday inaan maanta gaaro meshan joogo” ayuu yiri Cabdullaahi.
Tartamadii uu ka qayb galay iyo Noloshiisii Ceerigaabo ilaa Muqdisho
Cabdullaahi wuxuu BBCda u sheegay inuu dareemay in deegaankiisa uusan lahayn fursado uu ku sii hormariyo hammigiisa oradyahaynimo, sidaas owgeedna uu go’aansaday inuu u soo wareego magaalada Muqdiso oo uu sheegay inuu u arkayey meel uu ka heli karo tababaro.
Safar dheer oo dhanka dhulkaa masaafo ahaan dhan 623KM oo u dhaxaysa Ceerigaabo iyo Hargaysa ayuu Cabdullaahi gaari ku soo safray.
Sanadkii 2016-kii ayuu tagay Muqdisho si uu u helo tababar iyo in xirfadiisaa kor u qaado, koox orodyahano ah oo la yiraado Imaan oo ka dhisan Muqdisho ayuu ku biiray.
“Waxaan halkaas ka helay wixii an u baahnaa oo caawinad ahaa dhanka orodka, kooxduna waxay ii fududeyeen inaan tababar ka duwan kii hore aan helo” ayuu intaas raaciyey.
Sida uu BBCda u sheegay Cabdullaahi, wuxuu yimi deegaan uusan dad badan ka aqoon hase yeeshee wali wuxuu naawilayaa inuu riyadiisa rumeeyo isagoo sheegay inuu ‘Caqabad kasta oo an wajahay waan u samrayey nolosha’.
Macallinkiisa orodka ee kooxda uu ka tirsanaa Muqdisho ee Imaan ayuu sheegay in uu ka caawiyey wax badan oo noloshiisa ka mid ah.
“Waxaan dagganaa guri jiingad ah oo ku yaal meel u dhow garoonka Injineer Yariisow, kaas oo kiradiisu ahayd boqol dollar” ayuu BBCda u sheegay Cabdullaahi.
Sanadkii 2017-kii ayuu fursad u helay inuu ku biiro xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya, isagoo ka dibna loo xulay inuu Soomaaliya ku matalo tartan heer Qaaradeed oo ka dhacay dalka Jabuuti.
Bishii Maarso, sanadkii 2019-kii ayuu Cabdullaahi ka qayb galay tartankii ugu horeeyey ee caalami oo ahaa 1500 mitir ah kaasoo ay ka qayb galeen dalal badan oo Afrika ah.
Tartankaas wuxuu Cabdilaahi u noqday mid albaabada guusha u furay isagoo kaalinta kowaad ka galay tartanka helayna bilada dahabkaa, biladaas ayaa ahayd tii dahab ah oo qof orodyahana oo Soomaali ah ku guulaysto muddo dheer ka dib burburkii dalka.
“Guushaas ka dib waxaan soo jiitay indhaha Xiriirka Olympic-ga, laakiin waxaa isoo food saaray dhaawacyo kala duwan” ayuu yiri Cabdullaahi.
Sanadkan 2024: Cabdullaahi Jaamac, wuxu gaaray mid ka mida yoolashiisii nolasha ee muddada dheer uu halganka u soo galay.
Tartan caalami ah oo dhacay dalka Ghana, kaas oo ay kasoo qayb galeen in ka badan 50 dal oo ku yaal qaaradda Afrika ayuu Cabdullaahi Jaamac ka galay kaalinta labaad isagoo ku guulaystay bilada qalinka ah, waa tariikh cusub oo uu dhigay orodyahan matalaya Soomaaliya ka dib Cabdi Bile Cabdi oo horey rikoorkaas u dhigay.
BARAHA BULSHADA

Hadda Cabdullaahi Jaamac Maxamed, waa halyey Qaran sida laga sheegay maamuusyo loogu qabtay Muqdisho oo ugu danbayn Bilad sharafeed Qaran uu gudoonsiiyey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.