Taageerayaasha African ka ah ee Arsenal ayaa ka falceliyay saxiixa Leo Messo oo ah 10 jir Kenyan Ah

21″ May”2021 Friday “Goal.com

Arsenal ayaa la soo wareegtay 10-sano jir yaab leh Leo Messo, iyadoo gudoonsiisay kaar qaas ah FIFA markii uu yimid.

Mustaqbalka da ‘yar ayaa la siiyay booqasho uu ku tagay akadeemiyada wuxuuna la kulmay daafacii hore ee Arsenal Per Mertesacker

Xayeeysiin

REAL STATE BURUUJ CONSTRUCTION COMPANY

Mertesacker waa maamulaha akadeemiga haatan ee Arsenal sidaas darteed wuxuu kormeeri doonaa horumarka shaqaalahooda cusub.

Labada lamaane ayaa wada qaatay sawir madaama Messo uu kor u qaaday funaanada shaqsiga ah ee Arsenal oo dhabarka dambe uu ku yaallo No9.

Wiilka yar ee reer Kenya ayaa xirtay shaashada kooxda Arsenal xilli lagu soo bandhigayay hareeraha naadigiisa cusub.

Arsenal ayaa sumcad fiican ku leh inay keensato ciyaartoy akadeemiyadeed sanadihii ugu dambeeyay.

Xiddigaha haatan kooxda koowaad ka ciyaara sida Bukayo Saka, Emile Smith Rowe iyo Eddie Nketiah ayaa dhamaantood ka soo maray kooxda dhalinyarada ee Arsenal.

Da ‘yarkaan Afrikaan ka ah ee ku biiray kooxda ka dhisan waqooyiga London, ayaa raacaya wadadii ay mareen labadadii nin ee reer Nigeria Chuba Akpom iyo Alex Iwobi, iyo reer Ghana Eddie Nketiah, oo dhammaantood ka qalin jabiyey Hale End.

Taariikh ahaan halyeeyo badan oo Arsenal ah ayaa ku soo biiray iyaga oo da, yar ah oo ay ka mid yihiin Martin Keown, Tony Adams iyo Ray Parlor.

10-jirka reer Kenya Leo Messo oo ka tirsanaa West Ham United ayaa Halkaas, wuxuu u joogay inuu sii wado horumarkiisa halka uu rajeynayo inuu ku daydo sida ciyaaryahanka reer Nigeria Alex Iwobi iyo dhalinyarada England ee dhalasho ahaan kasoo jeeda Ghana Eddie Nketiah, oo dhammaantood ka qalin jabiyay Hale End

Dhanka kale, tababarihii hore ee Arsenal Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday 2018 sida ay uwaayeen halyeeyga Barcelona Lionel Messi.

Wenger, oo kooxda maamulayay sanadihii 1996 ilaa 2018, ayaa kahor inta uusan ka bixin Emirates ka hadlay sida uu ugu dhawaaday saxiixa labada xiddig ee reer Argentine iyo daafaca Gerard Pique.

Da’yarkan reer Kenya ah ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee Afrikaan ah ee ku biira Arsenal waxaana magaciisa uu dhaliyay dareen ay ka qabaan taageerayaasha baraha bulshada

Taageerayaasha Arsenal ayaa rajeynaya in Messo uusan aheyn wajiga kaliya ee ku cusub Emirates ka hor xilli ciyaareedyada soo socda

https://youtu.be/tzFqN1kY9ws

Taageerayaasha Afrikaanka ah ee Arsenal ayaa ka falceliyey heshiiskii ay Arsenal kula soo wareegtay 10 jirka cajiibka ah Leo Messo.oo markii hore West Ham United, Kenyanka wuxuu ugu biiray North Londoners deeq waxbarasho

U dhaqaaqida Messo ee garoonka Emirates ayaa heshay taageerayaasha kubada cagta oo ka hadlaya baraha bulshada. Qaarkood waxay dareensan yihiin in kooxda ka ciyaarta Premier League ay ku dareyso Mbappi iyo Neymir kooxdooda.

Inkastoo taageerayaasha Arsenal qaarkood ay yiraahdaan Kusoo dhawow Arsenal Leo Messo! 🇰🇪 hadana hadal,haynta ugu badan ayaa ah waxa kaliya ee aan hadda u baahanahay waa Mbappi iyo Neymir

Aragti kale ayaa ahayd Leo Messo wuxuu taabtay koobab ka badan Harry Kane. Leo Messo waa 10 jir, Harry Kane waa 28. 👊

Leave a Reply