Laba dhaqtar oo Somali & Uganda’s ah ayaa ku dhintay doon dalxiis ooy ku qaraqmeen markii ay kula qalibantay Harada Victory

Thursday ” 9″ December”2021 “www.boom.ug/news

W/Q: Axmed-saadaq Yuusuf Maxamed

https://www.boom.ug/news/16935/kitovu-hospital-doctors-confirmed-dead/

Howlwadeennada Isbitaalka Masaka ee Kitovu ayaa xaqiijiyay inay dhinteen Dr. Axmed Cabdullaahi oo Soomaali ah iyo Dr. Emma Kidambire oo u dhashay Uganda.

Labadan dhaqtar ayaa dhinteen markii ay kula qalibantay doon dalxiis ooy la socdeen meel u dhaw xeebta Nabugabo oo dhacda halka ay Harada Victoria ka marto magaalada Masaka oo dhacda galbeedka Uganda, una jirta caasimadda Kampala 122-KM.

Labadan dhaqtar ayaa ahaa saaxiibo. Dr. Axmed wuxuu ka mid ahaa koox dhaqaatir ah oo aqoon kororsi uga shaqeeynayey Isbitaalka Kitovu ee magaalada Masaka halka uu Dr. Kidambire ahaa madaxa qeybta aqoon kororsiga {Internship} ee Isbitaalka Kitovu magaaladaas.

Sidoo kale safarka ay harada dhaqaatiirta geeriyootay ku tageen, waxaa ka mid ahaa arday kale oo wax ka barta Jaamacadda Islamic University ee dalka Uganda (IUIU).

Dr. Axmed ayaa wuxuu shahaadada 1-aad ee jaamacadda ee caafimaadka iyo qaliinka ka qaatay Jaamacadda magaalada Mbarara ee Sayniska iyo Teknolojiyada ee ku taala Mbarara ee dalka Uganda.

Patrick Wetaka oo ay saaxiibo dhow ahaayeen Dr. Axmed Cabdullaahi ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen.

“Dr. Axmed wuxuu raacay dhowr saaxiibadiisa ah oo u badan dhaqaatiir, wuxuuna aaday xeebta Nabugabo ee Masaka, wuxuuna go’aansaday inuu badbaadiyo saaxiibkiis Emma markii uu ka dhacay biyaha harada. Emma ma uusan dabaalan karin waxay壯陽藥 u yaaceen halka ay labada dhaqtar kaga sugnaayeen harada si u badbaadiyaan, balse nasiib darro daqiiqo kadib waa la waayey,” Patric Weraka ayaa sidaas u sharaxay.

W/Q:- Axmed-saadaq Yuusuf Maxamed Xigasho..
https://www.boom.ug/news/16935/kitovu-hospital-doctors-confirmed-dead/

Leave a Reply