MUQDISHO — 22 ” April “22”
Qarax xooggan ayaa caawa ka dhacay maqaayad ku taalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayada oo qarax kadib la maqlay rasaas xooggan.
Goobjoogayaal idaacada KNN la hadlay ayaa sheegay in qaraxa ahaa ismiidaamin laguna weeraray Hotelka Rescatore oo犀利士 kuyaal xeebta Liido ee magaalada Muqdisho
Qaraxa waxaa fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, waxa uuna ka dhacay afaafka hore ee maqaaxida, halkaas oo ay afur ku lahaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in goobta uu qaraxa ka dhacay uu ka agdhawaa taliyaha ciidanka Booliska Gen Xijaar
Maqaayada waxaa sidoo kale ku sugnaa taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar, balse afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa xaqiijiyey in taliyaha uu bad qabo.
“Taliyaha Booliska General Xijaar oo la hadlay VOA waxa uu u sheegay In uu badqabo. Waxa uu ku sugnaa goobta ganacsi ee qaraxa iyo weerarka lagu qaaday. Xildhibaanada wey nabad qabaan,” ayuu yiri Macallimuu oo isna baarlamaanka ka tirsan
Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa werisay inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawca, balse ma sheegin tiro.
Qaraxa waxa uu dhaawac kasoo gaaray taliyaha saldhiga degmada Cabdicasiis Liibaan Shidane.