9 December—2020
Wararka ka imanaya maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in ugu yaraan shan qof ay dhinteen afar kalena ay dhaawacmeen kadib weerar ka dhacay meel u dhow magaalada Guriceel.
Weerarkan ayaa la sheegay in dablay hubaysan u gaysteen gaadiid ay la socdeen xubno ka tirsan saraakiisha ciidanka oo kasoo laabtay xerada tababarka ee Xoosh ee degmada Guriceel. Gaadiidka la weeraray ayaa la sheegay inay u socdeen dhinaca degmada Ballanballe.
Weriyayaal ku sugan gobollada dhexe ayaa idaacadda VOA u sheegay in weerarka ay gaysteen dablay hubaysan, ilaa haatanna ma cadda sababta weerarka.
Saraakiisha ciidanka ee la weeraray ayaa la sheegay inay soo dhammaysteen tababar, welina aan loo kala qaybin qaybaha ciidanka ee ay ku kala biiri lahaayeen.
waxaana wararku ay sheegayaan in weerarkaasi ay ku dhinteen afar Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Xoogga, waxaana ku dhawacmay Seddex kale sida ay ku warramayaan wararka soo baxaya.
Saraakiisha ayaa ka yimid magaalada Guriceel, halkaasi oo la sheegay in ay imtixaan ciidanimo looga qaaday, waxaana loo dilay arimo la xariira anooyin qabil sida warar hoose ay sheegayaan.
