21″ April “2021
weerarka ayaa Ku bilooday , Tiro hoobiyaal ah ayaa ku soo dhacay goor dhow degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere oo ku dhow Madaxtooyada Qaranka
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in mid ka mida hoobiyaasha uu ku dhacay guri ay qoys deganyihiin islamarkaana uu sababay qasaaro.
Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan madaafiic ku dhacday maanta degmooyin ku dhow Madaxtooyada Qarank
Hoobiyeyaashan ayaa mid ka mid ah waxa uu ku dhacay degmada Boondheere iyadoo ay ku dhinteen labo haween ah shan ruux oo kalana ku dhaawacmeen.
Sidoo kale hal madfac ayaa ku dhacay meel ku dhow darbiga Madaxtooyada Soomaaliya.Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, oo ay sheegtay inay la beegsatay Madaxtooyada Soomaaliya.
Waa weerarkii labaad ee hoobiyeyaal ah oo wax ka badan un bil gudaheed ka dhaca Muqdisho.
Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, oo ay sheegtay inay la beegsatay Madaxtooyada Soomaaliya.
waana weerarkii labaad ee hoobiyeyaal ah oo wax ka badan un bil gudaheed ka dhaca Muqdisho.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay mas’uuliyadda weerar hoobiyayaal ah oo lagu qaaday xerada Xalane ee saldhigga u ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka hawlgala Soomaaliya, 9-kii March 2021.