Weeraryahanada Fulutudilu Ee Reer South Africa Ayaa Kula biirtay Gabadha Ay Dhalashada Wadaagaan Ee Janine Van Kooxda Glasgow City

25″ December 2020″ GOAL.COM

Kooxda heysata horyaalnimada Scottish-ka ee Glasgow City ayaa dhameystirtay saxiixa weeraryahanada reer South Afrika Ode Fulutudilu, oo ay kula galeen hal sano oo qandaraas ah.

Kooxda Glasgow ayaa xaqiijisay gabadha xddigga ah ee Fulutudilu inay noqoto wakiil bilaash ah ka dib markii ay si guul leh u aragtay qandaraaskeedii halka sano ahaa ee ay kula jirtay kooxda heysata horyaalka Finland ee Aland United bishaan November oo dhamaad ah

Heshiiska Cayaaryahandan oo ah 30 jir ayaa yimid markii aad ULA dhacday Wiklof Holding Arena qaab ciyaareedkeeda qurux badan, iyada oo dhalisay 7 gool 15 kulan oo at ciyaartay si uu uga caawiso Aland United ayay dhameystirtay labo gool oo taariikhi ah.

Weeraryahanada Fulutudilu oo u wareegtay Scotland ayaa sii dheereynaysa mustaqbalkeeda ciyaareed ee cajiibka ah ee Yurub, tan iyo markii ay ka soo bilaawday ONS sanadkii 2018 ka hor intii aysan u dhaqaaqin Spain, halkaas oo ay ugu soo ciyaartay kooxda kubada cagta gabdhaha Malaga.

Waxay sidoo kale noqotay saxiixii shanaad inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga tababare Scott Booth kadib markii ay qabteen Niamh Farrelly, Priscila Chinchilla Arna Asgrimsdottir iyo Julia Molin.

Xaqiijinta tababaraheeda iibka Booth ayaa qirtay inay ku faraxsan tahay inay la saxiixato laacibada reer Koonfur Afrikaheshiis iyadoo la rumeeysan yahay in ay kor u qaadeyso tayadeeda.

“Ode, Fulutudilu waa ciyaaryahanad leh awood aan caadi aheyn ,” ayay u sheegtay website-ka rasmiga ee kooxda.

Orodkeedu wuxuu u horseedi doonaa kooxaha kale in uu ku Rido madax xanuun aad u daran waxayna u ooman tahay inay goolal badan dhaliso.

Ugu dambeyntiina, waxay la timid khibrad, iyo anshax shaqo oo aad u wanaagsan, ” Iyadoo ka faalloonaysa wareejinta, Fulutudilu waxay muujisay sida ay ugu faraxsan tahay tallaabada waxayna la wadaagtay hamigeeda inay dhulka ku orodo.

“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay fursadan ah inaan ku biiro koox sida Glasgow City,” ayay tiri.

Waxaan rajeynayaa inaan doorkeyga ka ciyaaro ka qeyb qaadashada mustaqbalka kooxda isla markaana aan wax walba u huro si kooxda mustaqbalkeeda u guuleysto. ”

Saxiixa Fulutudilu wuxuu sharxayaa rabitaanka Booth in uu noqdo mid difaaca horyaalnimada Scottish-ka isla markaana hubisa ka-qayb-galka Champions League sannadka dambe.

Saxiixeeda kadib, Fulutudilu wuxuu noqonayaa kii labaad ee reer Koonfur Afrika ah ee ka socda kooxda Scottish ka dib daafaca halyeeyga ah Janine Van Wyk.

Ciyaaryahanadan reer South African-ka ayaa rajeyn doonta bilow wanaagsan oo nolosha Scotland ah hadii ay kulankeeda ugu horeeya la ciyaaraan kooxda kaalinta seddexaad ee Celtic Janaayo 17, 2021.

Leave a Reply