Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa amartay in Weriye Maxamed Cabdiwahaab Abuuja xabsiga laga sii daayo oo xorriyadiisa dib loo siiyo kadib markii lagu waayay dambi ah dil.
Weriye Abuuja ayaa lagu soo eedeeyay inuu ku lug lahaa dil loo geystey Baxsan Boolaay oo ka mid ahayd ergadii ka qeybgashay doorashadii xildhibaanada Federalka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee CQS Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in lagu waayay dambigii loo horgeeyay Abuuja Maxkamadda Ciidamada, waxaana uu amray in la fasaxo.
Maxamed Cabdulwahaab Nuur Abuuja ayaa muddo shan bilood ku jirey xabsiga iyadoo ay mudadaa u doodayeen ururada Warbaahinta iyo Suxufiinta oo sameeyay isu soo bax ay ku dalbanayeen in lasoo daayo.