Allaha u naxriistee Waxaa dalka Mareykanka ku geeriyooday marxuum wariye C/qaadir Maxamed Mursal oo ahaa rugcadaa Saxaafadeed.
Marxuumka wuxuu kamid ahaa dadkii ugu horeeyay ee howsha saxaafadda kaga soo shaqeeyay dalka,wuxuuna uu soo maray wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya iyo warbaahino kale waxana uu soo noqday Agaasimaha Idaacadaha Soomaaliyeed.
Weriye Cabdqaadir Maxamed Mursal ayaa qoray sheekooyin badan waxaana ka mid ahaa sheekadii Olol iyo Hooyadii oo laga dhegeysan jirey Radio Muqdisho sanadihii Siddeetameeyadii.
Qoraagii ugu horeeyay ee bilaabay in la qoro riwaayad taxane ah riwaayadii ugu horeeyay waxa ay ahayd Olol iyo Hooyadii, sheekooyinka kale ee uu qoray Mursal waxaa ka mid ahaa Raadkii madoobaa, Mooryaankii ganjab,Geesi aan la aqoonin,Tuug tol leh, Dhooftayee Maxaa Keentay, Ha haligin naftaada oo Hoog ha u horseedin.
Muddooyinkii ugu dambeeyay wuxuu ku xanaansanayay Mareykanka oo uu kunoolaa,ina lilaahi wa ina ileyhi raajicuun.
Madaxda iyo shaqaalaha shabakada jowhar.com ayaa ka tacsiyadeeyey geerida marxuumka,waxayna alle uga baryayaan in uu janadii Fardowsa uu ka waraabiyo