22″ May”2022″SOURCE: NEWS AGENCIES
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in ay rajaynayso in la ogaado kiisas badan oo cudurka daayeerka ah iyada oo balaadhinaysa la socodka dalalka aan sida caadiga ah cudurkan laga helin.
Ilaa Sabtidii, 92 kiis oo la xaqiijiyay iyo 28 looga shakisan yahay cudurka daanyeerka ayaa laga soo sheegay 12 dal , hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay,ay intaas ku dartay inay bixin doonto hagitaan iyo talooyin dheeraad ah maalmaha soo socda si loo yareynayo. fiditaanka busbuska
Xogta la heli karo waxay soo jeedinaysaa in isu gudbinta bini’aadamka ay ku timaado dadka xiriirka jireed ee dhow leh sida ay muujinayaan calaamadaha, kiisaska la hayo ayay tiri hay’addu.
‘qaabka xubinta taranka’ Busbuska daayeerku waa cudur la isqaadsiiyo oo caadiyan fudud wuxuuna ku badan yahay qaybo ka mid ah Galbeedka iyo Bartamaha Afrika.
Inkasta oo uu ka tirsan yahay isla qoys fayraska uu ka mid yahay furuqa, haddana calaamadihiisa waa sahlan yihiin. Dadku caadi ahaan waxay ku soo kabtaan laba ilaa afar toddobaad gudahood iyaga oo aan u baahnayn in isbitaal la dhigo,
laakiin cudurku marmar waa dilaa Waxaana lagu kala qaadaa xiriir dhow si ay koobnaan karto tillaabooyinka sida gooni-u-goynta iyo nadaafadda. “
Waxa hadda u muuqda in ay dhacayaan waa in ay dadka u soo gashay qaab galmo ahaan, sida qaabka xubinta taranka, waxaana lagu faafiyaa sida cudurrada galmada la isugu gudbiyo, taas oo xoojisay gudbintiisa adduunka,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan WHO David Heymann. , ku takhasusay cudurrada faafa
Waad ilaalin kartaa naftaada Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Axaddii sheegay in kiisaskii ugu dambeeyay ee cudurka daanyeerka ee lagu aqoonsaday Yurub iyo Mareykanka ay ahaayeen wax “laga welwelo”.
Faallooyinkiisii ugu horreeyay ee dadweynaha ee ku saabsan cudurka, Biden wuxuu raaciyay: “Waa walaac in haddii ay faafin lahayd ay cawaaqib yeelan doonto. Wali iima ay sheegin heerka soo-gaadhista laakiin waa wax ay tahay in qof kastaa ka walaaco. Waxaan si adag uga shaqeyneynaa si aan u ogaano waxa aan sameyneyno.” Wuxuu intaas ku daray inay socdaan dadaallo lagu go’aaminayo tallaalka waxtarka yeelan kara.