WHO: Tobankii daqiiqaba, hal cunug ayaa ku dhinta duqeenta Gaza

Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa ku eedeeyay ciidamada Israa’iil in ay weerareen oo rasaas ku rideen afar isbitaal oo ku yaalla Marinka Gaza 24 saac gudahood.

Madaxa ururka Caafimaadka WHO ayaa Golaha Amniga ee QM u sheegay in nidaamkii caafimaadka ee Gaza uu gabi ahaan ku dhow yahay in uu joogsado, isagoo sheegay in hal cunug lagu dilo Gaza 10 daqiiqaba.

Ciidamada Israa’iil ayaa Jimcihii beeniyay in ay rasaas ku fureen Al-Shifa, waxayna Xamaas ku eedeeyeen in ay rideen gantaal lala beegsaday ciidamada Israa’iil oo ay ka soo gantay isbitaalka. Warbixintan waxaa noo haya Cabdulqaadir Maxamed Mursal (Samakaab).

Leave a Reply