Wiil uu dhalay Fu,aad Shongole oo ka Tirsan hogaamiyaasha Alshaabka ayaa lagu qabtay Costa Rica

10″ April “2023

Wiilkan ayaa hoteelo ku yaala dalkaasi Costa Rica ku daganaa isagoo isticmaalayay aqoonsiyo been abuur ah iyo baasaboor Swedish ah oo uu qof kale leeyahay.

Mas’uuliyiinta dalka Costa Rica ayaa qabtay Luqman Warsame Faarax oo uu dhalay hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

FBI-da ayaa ka digtay bishii Febraayo 2023 suurtagalnimada joogitaanka xubin ka tirsan Al-Shabaab ee Costa Rica, Luqman waxa uu ku jiray liiska FBI-da ee Xarunta Baarista Argagixisada.

Wiilkan ayaa hoteelo ku yaala dalkaasi Costa Rica daganaa markii la qabanayay isagoo isticmaalayay aqoonsiyo been abuur ah iyo baasaboor Swedish ah oo uu qof kale leeyahay.

Faarax waxaa Guatemala u musaafurisay wakiilo ka socday Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida (DIS) balse dib ayaa loogu celiyay Costa Rica.

Maamulka DIS ayaa shaaca ka qaaday in Faarax uu soo galay Costa Rica Janaayo 4, 2023, isagoo isticmaalaya baasaboor Swedish ah oo lagu magacaabo Luqman Abdl Aziz. Waxa uu dalkaasi joogay muddo bil ah, isagoo u socday dalka Nicaragua.

Al-Shabaab ayaa ujeedkoodu yahay in ay afgambiyaan dowladda Soomaaliya, isla markaana ay maamul Islaami ah ka dhisaan gobolka.

Kooxdan ayaa marar badan weeraro argagixiso ka fulisay Soomaaliya iyo Kenya, sida afduub, dilal iyo qaraxyo. Aabaha dhalay Faarax ayaa lala xiriirinayaa inuu fududeeyay weerar argagixiso oo Al-Shabaab ay ka geysteen Sweden sanadkii 2011-kii.

Agaasimaha DIS ayaa sheegay in Faarax loo gacan galin doono dowladda Soomaaliya, waxaana haatan lagu hayaa dalkii uu sida sharciga eheyd uga soo tagay ee Costa Rica.

Dowladda Costa Rica ma sheegin magaca hoggaamiyaha saree e SHabaabka ah ee dhalay ninkan, warbaahinta dalkaasi ayaase qoreysa inuu dhalay Fu’aad Shan壯陽藥 gole oo hoggaamiyayaasha Shabaab kamid ah.