26″ December 2020″ GAROOWE”
Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa waxaa kusii qul-qulaya wufuud kala duwan oo ka qeyb galaya Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hirata goo markii horreysay lagu qabanayo dalka Soomaaliya.
Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle iyo xubno la socday ayaa Goordhow gaaray Magaalada Garoowe, waxaana kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Puntland.
Musharax Geelle ayaa kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha ee lagu casuumay Shirka Madasha Aragti Wadaagga oo ka qeyb galayan Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo Mas’uuliyiin kala duwan
Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa duhurnimadii Maanta si kala gooni ah u gaaray Magaalada Garoowe, iyaga oo ay la socdeen Xildhibaano badan.
Ajandaha shirka sanadkan ayaa waxaa uu yahay mid diiradda lagu saari doono Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ay gaaraan wufuud kala duwan oo kamid yihiin Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno kale oo ka qeyb galaya Shirka
Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Garowe
Guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh cabdiraxmaan ayaa gaaray magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.
Wafdiga uu horkacayo guddoomiyaha golaha shacabka ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo saraakiil ka tirsan maamulka Puntland.
Ujeedada uu u tegey magaalada Garowe Guddoomiye Mursal ayaa waxa ay qeyb ka tahay ka qeybgalka shirka Madasha doodaha machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo magaalada Garoowe.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa kasii horreeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Midowga Musharixiinta, kuwaas oo ka qeybgalaya Shirka Garowe