30 “January “2023” VOA
Xafiiska Hay’adda Caafimaadka Aadduunka (WHO) ee Soomaaliya ayaa sheegay in dad ka badan 40% Soomaalida haatan laga tallaalay xanuunka COVID-19.
Hay’addu waxay sheegtay in la sameyey olole ballaaran bilihii ugu dambeeyey sannadkii hore si loo gaaro bartilmaameedka la hiigsanayey oo ahaa 40% dadweynaha in la tallaallo marka la gaarao December 2022-da.
Waxay sheegeen mas’uuliyiinta inuu bilaabanayo wejiga kale ee lagu tallaalayo dadweynaha inta dhiman.犀利士
Todobaadkii hore Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka Dr. Tedros.ayaa bilad sharaf guddoonsiiyay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada XFS Dr. Cali Xaaji Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Geneva
Dhinaca kale WHO Somalia ayaa wada bixinta talaalka jadeecada iyo dabeysha
BRA waxay gacmaha isqabsatay si ay u difaacdo 74000 oo ka yar 5 jir oo nugul iyagoo ka tallaalay # jadeecada iyo # dabeysha oo ku nool degmooyinka Dayniile, Kaxda ee Muqdisho.