26″ April ” 2021″ MUQDISHO
Waxaa degen goobihii xalay ilaa shalay ay ka jireen dagaalda ka dhashay diidmada mudo isu kordhinta Farmaajo
Goobaha ay dagaalada ka dhaceen sida agagaarka Marinaayada, Xaafada Taleex iyo qeybo kamid ah wadada Maka-Almukarama ayaa degen , waxaana si teel teel ah u socda dad badankood u socda shaqooyinkooda gaarka ah iyo kuwo xaalada qiimeeynaya.
Wadahadalo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa suurtogeliyay in xaalada ay qabowdo inkastoo ay jirto weli kala shaki dhinacyada dagaalamay.
Ciidamada dowlada ee daacada u ah Madaxweynaha xilligiisu dhamaaday ayaa xalay ka laabtay isgoyska Km4 oo ay dagaalada ka bilowdeen waxaana qeybo ka mid ah wadada muhiimka ah ee Maka Almukarrama ku sugan ciidamo taabacsan midowga musharaxiinta