28- December-2022 Garoowe
Afar kamid ah Ururada siyaasadda Puntland oo ku baaqay in la hakiyo diiwaan-gelinta
Ururadda kala ah Mideeye iyo horseed Shaqaala iyo dhalinyaradda ayaa war saxaafadeed ka soo saaray dhowaan hadalkii ka soo baxay Madaxweyna Deni ee ku aadanaa inuu aqbalay qodobadii ay ka baxay Ururada.
Ururadan ayaa ugu horeyn sheegay in warqada ka soo baxday Madaxweyne Deni aysan jirin cid si toos ah ugu socotay iyagoo sii raaciyey in aanu saxiixneyn warqadaasi.
Ururrada ayaa Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ku eedeeyey in uu ku tuntay dastuurka Puntland, waxa ayna ku baaqeen in gebi ahaanba la joojiyo doorashooyinka qof iyo cod inta laga heshiinayo.
Afarta Urur Siyaasadeed ayaa sheegay inaysan Guddi doorashada ee TPEC dhab ka aheyn.
“Gudiga TPEC hadey dhab ka tahay Madax banaanida ay sheeganayaan waa in ay joojiyaan diiwaangalinta aan laisla ogoleyn” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.
Afartan Urur ayaa ugu dambeyn soo jeediyey in shir u dhaxeeya Xukuumadda iyo Ururada laysku yimaado si loo sameeyo qorshe dhameystiran oo heshiis lagu wada yahay.
Garabka kasoo horjeeda Deni ayaa hore u soo saaray dalabaad ay ku xirayaan si doorashada uga qeyb-galaan, kuwaasi oo badankooda uu aqbalay Deni, hase yeeshe uu ganafka ku dhuftay labadii ugu cuslaa.
“Ururada Siyaasadda Puntland waxaa ay ila wadaageen 13 qodob oo ay u arkeen kuwo u baahan in wax laga qabto kahor xilliga doorashada, 11 qodob oo kamid ah soojeedintooda waxaan ka bixinay garowshiyo oo qeybtood waxaan dhameystirnay iyadoo ay kulamadu noo socdaan, halka 2 qodob ay u baahdeen wax ka bedel sharci,” ayaa lagu y犀利士 iri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.
Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan ku guuleystay kala jebinta ururada siyaasadda, kadib markii uu shir la yeeshay qaar kamid ah ururada.
Deni ayaa ka horyimid in la furo nidaamka xisbiyada ee xadidan iyo in la dhimo tirada Xildhibaanada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka, ayada oo go’aankaas ay ku raaceen garabka taabacsan ee urur siyaasadeedka.
Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Waxaa ku baqayaa in la dhawro habraacyada iyo nidaamka xisbiyada Puntland, xubin kasta oo ku soo baxda magac urur islamarkaana ka baxda ururka oo ku biirta midaklae ama ka hortimaada ajendaha ururkiisa, waxay dhuminaysaa xasaanada, waxaana booskiisa ururku u magacaabaya qofkii kusoo xigey isaga
Sida hore uga dhacday saddexdii degmo ee ay doorashooyinka ka qabsoomeen, ururkasta oo hela aqlabiyada codadka deegaan doorasho ama isbaahaysi ku yimaada labo urur, waxaa ay xaq u leeyihiin in ay soo dhisaan maamulka degmadaasi iyaga oo ka madax-banaan faro-gelin.”
Qoddobada uu ogolaaday Deni ayaa u muuqdo kuwa aan laheyn miisaan buuran, lagana leeyahay dano siyaasadeed maadama labadii ugu muhiimsana uu ka horyimid, sida ay qabaan dadka sida ugu dhaw ula socda arrimaha doorashooyinka maamulka Puntland.
Ururada Siyaasadda Puntland, gaar ahaan garabka ay isa-seegeen Deni ayaa hore warbaahinta uga sheegay inay ku kalaceen kulan ay la yeesheen madaxweynaha, kadib markii ay isku fahmi waayeen qoddobadii ugu muhiimsana.
“Dhamaan wada-xaajoodyadii la xiriiray qodabadii dhinaa ee muhiimka u ahaa qabsoomida doorashada, madaxweynuhu ma fulin, balse taasi badelkeeda xukuumaddu ay ku mashquulsan tahay kala jabinta ururada iyadoo faro aan nadiif aheyn kula dhex jira ururada siyaasadda.”
Waxay ku dhawaaqeen shirweyne ay isugu yimaadan qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo badbaadiyo hanaanka geedi socodka dimuqraadiyada Puntland, loogana saaro hubanti la’aanta siyaasadeed ee maanta ka jirta
DHINACA KALE
Dowlad goboleedka Puntland ayaa markale eedeyn culus oo yaableh u jeedisay Somaliland oo daris yihiin kadib rabashadihii Talaadadiid ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Mudane Maxamuud Caydiid Dirir oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa si kulul u cambaareeyay dhibaatada ka dhalatay rabshadihii shalay ka dhacay Laascaanood kadib markii dad dibad-baxayay ay rasaaseeyeen ciidanka Somaliland.
Dirir ayaa shaaca ka qaaday in dadkaas ay dhigayeen dibad-bax ka dhan ah maamulka Hargeysan, ayna ku cabiraeen dareenkooda, balse la dhibaateeyay.
Sidoo kale wuxuu ka digay sii socoto dhibaatada lagu hayo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan ee ku nool deegaanada gobollada Sool iyo Sanaag.
Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta markale ay dibadbaxyo dib uga bilowdeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaaasi, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaaladaasi.
Dibad-baxyadaan oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa looga soo horjeedaaa dilalka qorsheysan ee muddooyinkii dambe ka dhacayay magaalada Laascaanood iyo weliba madaxda hay’addaha amniga oo ku fashilmay wax ka qabashada dhibaatooyinkaasi.
Sidoo kale waxaa xiran goobaha ganacsiga, kadib markii ay iyaguna shaqo joojin sameeyeen ganacsatada ku dhaqan magaaladaas oo dhacda waqooyiga Soomaaliya.
Qaar kamid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa Somaliland ka dalbaday inay ka hortagto dadka dilalka u geysanayo hal-doorka gobolka Sool, ayaga oo si weyn u dhaliilay hay’addaha amniga ee ku shaqada leh amniga magaalada Laascaanood