Xaaladda deegaanka Dacawaley, khasaarihii ka dhashay dagaalka iyo ciidamo la kala dhex dhigay dhinacyada

Wararka ka imaanaya deegaannadii dagaalladu ay ka dheceen ee dawlad deegaanka Soomaalida ayaa waxay sheegayaan in maanta ay bilaabatay fulinta qodobbo dhowr ah oo lagu heshiiyey, ka dib wadahadallo ay Jigjiga ku yeesheen odayaal reer Somaliland ah iyo madaxda dawld deegaanka, ayadoo xaaladduna ay hadda deggan tahay

Qodobbada kulankaas ka so baxay ayaa waxaa ka mid ahaa sida ay ilo shirkaas ku dhow BBC u sheegeen in ciidamadii dagaallamay la kala qaado, in askar ka socota federaalaka Itoobiya la kala dhex dhigo dhinacyadii dagaallamay, ayadoo la geynayo meelihii dagaalladu ay ka dheceen, in la sameeyo guddi madax banaan oo ka soo tala bixiya xalka dhibaatadii dhacday iyo in la bilaabo wadahadallo dib u heshiisiineed oo qabanqaabadeeda ay yeelanayso dawladda federaalka.

Ilaa hadda waxay wararku sheegayaan in labada qodob oo hore ay hirgaleen, ayadoo ciidankii ku dagaallamay degaanka Dacawaley laga kala qaaday goobihii ay isku hor fadhiyeen.

Waxaa kale oo wararku ay sheegayaan in goobahaas la geeyey ciidan ka socda milateriga federaalka Itoobiya, kuwaasoo saarnaa gawaarida xamuulka ee ciidanka milateriga.

Goobjooge halkaa ku sugan oo BBC la hadlay wuxuu sheegay in ilaa 50 askari oo kuwa federaalka ah uu arkay in deegaankaas lagu dagaallamay la geeyey.

Ilo ku sugan Jigjiga ayaa iyagana BBC u sheegay in askartaas laga soo diray magaalada Jigjiga, ayna hal habeen dhexda sii seexdeen ka hor intii aysan gaarin deegaanka lagu dagaallamay oo u dhow halka ay iska galaan gobollada Jarar iyo Faafan.

Goob joogaha wuxuu sheegay in ay jiraan weli dad baaqi ku ah deegaankii lagu dagaallamay, halka dad badanna ay ka qaxeen.

Dagaalladii ka dhacay deegaanka dacwaley todobaadkan iminka dhamaaday ayaa waxaa ku dhintay tiro aad u badan oo ah labadii dhinac ee iska soo hor jeeday ee kala ahaa ciidanka dawlad deegaanka iyo miliiishiyo qabaa’il oo ka soo jeeday dhinaca Dacawaley. Inkastoo aan tiro sugan laga haynin, misna ugu yaraan 60 qof oo labada dhinac ah ayey wararku xaqiijinayaan inay ku dhinteen dagaalka, halka tiro 150 ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Edna Aadan Ismaaciil oo ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Somaliland ee uu magacaabay madaxweynihii hore e Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadashay baaxadda ay dhibaatadu leedahay, gaar ahaan dadkii qaxooda iyo dhaawacyadooda la soo gaarsiiyey Balligubadle.

Dacawaley

“Dadkii tuulada deganaa waxaa duqeeyey oo dilay miliishiyada milateriga. Guryahooda ayaa la gubay, dumarka iyo carruurtana ayadoon loo aabo-yeelin ayaa la toogtay. Inbadan oo ka mid ah duurka ayey u cararaeen. Intii la qaadi karay waxaa laga soo gudbiyey xuduudda ayadoo la keenay dhanka Somaliland, si ay caawimaad caafimaad uga helaan isbitaallada yaryar ee heer degmo ee Balligubadle, iyo xarumaha kale ee caafimaad ee yaryar.

Inbadan duurka iyo boholaha ayey u carareen, ayagoo khatar ugu jira in dugaaggu uu ku cuno. Somaliland waxay diiwaan galisay dhaawacyo 151 ah. Waxaan diiwaan gelinay 59 dhimasho, laakinse in badan nama aysan soo gaari karin”. Ayey tiri Edna.

Waxay sheegtay in qaxootiga dagaalladaas ku bara kacay oo ay ku sheegtay kumanaan ay iminka u baahan yihiin meelo ay ku hoydaan, iyo in ay helaan amnia y dib ugu laabtaan deegaannadooda, ayadoo baaqaas u dirtay hay’adaha caalamiga ah, waxayna ku tilmaantay “masiibo” u baahan jawaab caalami ah.

Dhanka khasaaraha ciidankii dhinaca kale ayaan wax badan laga ogayn. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in baaqyo nabadeed iyo waanwaan billow ah ay hadda socdaan, inkastoo aan xog badan laga hayn.