Maxaa ku cusub xaaladda Ganacsatada iyo Al-Shabaab oo meel adag mareysa?

Xarumo ganacsi ayaa la weeraray 48 saac ee lasoo dhaafay, waxaana weeraray argagixisada ka dagaalanta Soomaaliya.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay markii ay shirkaduhu ka gaabsadeen bixinta lacago baad ah, oo ay mid kamid ah kooxahani weydiisatay ganacsatadaas.

Bilihii tegay ganacsato badan ayaa toos u joojiyay baaddii ay mudada fog siinayeen kooxaha argagixisada. Inay 15 sano argagixisada ka dagaalanto Soomaaliya oo ay kumanaan ruux oo shacab ah laayan, ganacsatada lacagaha mudadaas siinaysay ayaa sababteeda qeyb weyn ku leh.

Inay argagixisada dileyso qofkii u diida inuu lacag baad ah siiyo welina ay Diin sheeganayaan ayaa sidoo kale yaab leh.

Ganacsatada Soomaaliyeed uma dhama go’aanka ah in dhaqaale ahaan loo go’doomiyo argagixisada, si uu dagaalka usoo gaabto.

Dowladda federaalka ah waxaa la sheegayaa inay ka warhayso ganacsato weli si dhuumaleysi ah lacago ugu gudbisa kooxaha argagixisada.

Sirodoonka Reer Galbeedka ee jooga Soomaaliya ayaa iyagana dhawaan la sheegay inay heleen liiska shirkado iyo shaqsiyaad weli u nugul gacansiinta maaliyadeed ee argagixisada, kuwaasi oo suurta-gal tahay in dhawaan loo bareero.

Mashruuca argagixisada wuxuu kasoo billowday Diin sheegasho, maantana wuxuu maraya gangster-nimo iyo in qof Muslim ah loo dilo ama hantidiisa loo burburiyo lacag baad ah na sii. Tani waxay cashir fudud u tahay kuwa laga yaabo inay rejo yar uga jirto argagixisada

Ganacsatada hadda waa qasban yihiin, waxay kala dooranayaan inay argagixisada sii quudiyaan oo qaranka wax ka gumaadan, oo qabriyada buuxiyaan oo argagixisada sii jirto, aakhirkiini xitaa ganacsatadaasi gacanta argagixisada sababsadaan.

Ama mida kale oo ah in argagixisada albaabada ka xirtaan, dagaalka lagula jiro gacan dhaqaale siiyaan, umadda badbaadiyaan, aakhiradoodana ilaashadaan.

Midda ay doortaan iyo macaashkeeda waxaan u dhaafeyna waqtiga.

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh oo iyadu hadda ku jirta dagaal aan noociisa hore loola galin argagixisada iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa la gudboon inay ilaalin iyo ka warqab u sameeyaan ganacsatada la hubo inay baaddii argagixisada joojiyeen, si inta kalena u soo dhiiradaan.

Inay argagixisada dil iyo burburin ku wado ganacsatada Soomaaliyeed waxay cabir ka siinaysaa xaalkooda dhaqaalaha iyo sida uu mashruucoodii u fashilmay, oo ka been sheegashooda Diinta looga daba tagay.

壯陽藥

Leave a Reply