Xaaladda Laascaanood oo degan kadib markii ay Ciidanka Somaliland ka baxeen magaalada

5″ January ” 2023

Xaaladda Laascaanood ayaa degan kadib laba todobaad markii ay gilgileen magaalada dibadbaxyo rabashado wata iyadoo garaad jaamac uu la hadlay shacabka magaalada oo ku guuleeystay in ay iska saaraan Ciidanka Somali壯陽藥 land Dheeho.com

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo la hadlayey Shacabka magaalada Laascaanood oo xalay ku guulaystay inay iska saran ciidamadii Somaliland ee ku sugnaa gudaha magaalada Laascaanood ayaa shacabka magaalada usoo jeediyay inay isdejiyaan dhagaxaantana ay ka qaadaan wadoonyinka.

“Laamiyada ha xidhina , ganacsiga fura, guryaha hayska duminina Wax dhib ah ma jiro, cidina haka baqina Garaadada Dhulbahantena waa inay Laascaanood yimaadaan Beri si loo tashado ” ayuu yiri Garaadku.

Ciidamada Somaliland ayaa lagu eedeeyay inay dilal tiro badan ka gaysteen magaalada Laascaanood, inkasta oo xukuumada Muuse sheegtay inay bixinayso magta dadka lagu eedeeyay inay laysay.

ciidanka somaliand ee magaalada ka baxay ayaa fariisin ka sameeystay duleedka bari ee magaalada, iyadoo inta aaney u ruqaansan ka guuritaanka magaalada uu dhacay iskahor,imaad kooban rasaas ay isku weeydaarsadeen Ciidamada Somaliland iyo xoogag hubeysan oo degaanka ah.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dagaalķii xalay ay ku dhinteen in ka badan Saddex qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ahaa labada dhinac ee dagaalamay.

Internetka ayaa wali go,an magaalada iyadoo xaafadaha qaar dadku ay Isaga baxayaan magaalada

Leave a Reply