22″ December” 2021″ Boosaaso BBC
Wasiirka Amniga ee maamul goboleedka Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay Boosaaso iyo sida uu xalka noqon karo.
Saaka aroortii ayuu magaalada Boosaaso mar kale ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo xoogag ka amar qaata taliyihii PSF-ta ee xilka laga qaaday, inkastoo markii dambe ay xaaladda degtay.
Wasiirka Amniga ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa carrabka ku adkeeyay in ay aqbalayaan oo kaliya in la raaco dastuurka maamulkaasi oo hoggaanka ciidammada PSF uu xilka wareejiyo.
Cabdisamad Maxamed Gallan, oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay ayaa agaasimihii PSF ee xilka laga qaaday waxa uu ku eedeeyay inuu weerrarka Boosaaso soo qaaday, wixii ka dhashayna uu mas’uuliyadeeda qaadi doono.
Dhanka kale wasiir Gallan waxa uu intaasi ku daray in dhankooda ay diyaar u yihiin nabad iyo wadaxaajood, balse marnaba aanay ka tanaasulayn ku dhaqanka dastuurka.
Shantii aroorninmo ee saaka ayaa mar kale magaalada Boosaaso waxay ku waabariistay dhawaqa hubka culus oo ay isu adeegsanayaan ciidamadii shalay dagaalka isaga hor yimid, waxaana dagaalkan uu intiisa badan ka dhacay xarunta Ciidamada PSF.
Xarunta PSF waxaa ku sugan Gen. Maxamuud Diyaano oo diiday xil-ka-qaadis uu madaxweynaha Puntland ku sameeyey.
Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku naf-waayay 10 qof oo isugu jira askartii dagaalantay iyo dad shacab ah, iyadoo 40 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, Dad badan ayaa ilaa xalay ka bara kacayay xaafadaha magaalada Boosaaso, kuwaas oo cabsi ka qabay in dagaalku uu sii socdo, saameyna ku yeesho nabadgelyadooda
Waxaa guud ahaan xirmay goobihii ganacsiga, dekedda iyo duulimaadyadii garoonka diyaaradaha iyo isu socodkii gaadiidka dadweynaha ee magaalada Boosaaso.
Waxaa jira baaqyo ay dirayaan Culimada, Nabadoonada iyo waxgarad kale oo reer Puntland ah, balse ma jirto ilaa hadda wax horumar ah oo laga gaaray in la joojiyo dagaalka ka socda magaaladda Boosaaso.
Sidoo kale Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dhinacyada ku dagaallamaya Boosaso in ay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka isla markaana ay dib ugu soo laabtaan wadahadalka si loo gaaro xal nabadeed.
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo dagaal tan iyo shalay ka socday magaalada Boosaaso ay dhowr qof ku dhinteen, kuwo kale ay ku dhaawacmeen, halka dad badanna ay guryahooda isaga carareen.
“Isimada waxaad ka wadahadalnay arrimihii aan ka wada hadli jirnay. Waxay noogu yimaadeen inaan ula shaqeyno sidii aan ula shaqeyn jirnay, inaan nabadda la raadinno. Dhankeenna horayna waan uga aqbalnay, haddana waan u sheegnay inaan diyaar u nahay.
“Dhankii kale inay is afgartaan, xabbada joojiyaan oo ay sharciga u hoggaansamaan inay ku guuleystaan unbaa iyaga xaggooda jirta, wayna ku maqan yihiin sida ay noo sheegeen, markii ay naga tageen waxay dhaheen ‘dhinicii kale ayaan la kulmeynaa iyo agaasimihii hore ee xilka laga qaaday, iyagaana kala hadleynaa sidii ay nabad galyo ugu dhammaan lahayd oo xilka uu u wareejin lahaa’, marka waxay kala kulmaan baan arkeynaa,” ayuu yiri.
Wasiirka ayaa hoosta ka xaqiiqay in ciidanka la dagaallamay aysan ahayn PFS balse ay yihiin “fallaago”, halka ciidankii kale ee PSF ay “sidooda u dhisan yihiin”.
Maxay dhaheen garabka kale?
War murtiyeed kasoo baxay dhanka uu hoggaaminayo taliyaha xil ka qaadista lagu sameeyay ee PSF, Maxamuud Cismaan Cabdullaahi, ayaa lagu sheegay in dagaalka uu ahaa mid iyaga lagu billaabay.
Qoraal kooban oo war murtiyeedkaas ku qornaa ayaa ahaa sidan:
“Waxaa na lagusoo qaaday oo aan iska difaacnay muddo labo beri ah weerarro gar darro ah oo lagu jabiyey xeerarkii sharciga ahaa oo dhan, oo u dhaxeeyay PS F iyo Dowladda Puntland , waxay diideen gartii si wadajir ah aan ugu dhiibannay lsimada iyo go’aankoodii.
“Intaasna kuma ekaane weerar iyo barakicin bulsho bay sameeyeen. Dhinacayagu marna ma hurineyn colaadda iyo dhibaataynta shacabkeenna. Wa壯陽藥 xaan aad uga xun nahay dhibta bulshadeenna soo gaartay, runtii raalli kama nihin, wixii sameeyayna way qaadayaan mas’uuliyaddooda.
“Ciidanka PSF waxay u taagan yihiin la dagaallanka argagixisada, amni darrada iyo cid kastoo ku lug leh. Dadkii ayagu argagixisada ka tirsanaa ee aan bulshadeenna ka difaaceynay haatanna ku gabbanaya xasaanadda dowladda marna nama eedeyn karaan, Puntland nabaddeeda iyo horumarkeeda geed walba waan u harsannay waana kasii shaqeyn doonnaa eebbe idinkiis.”
Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa hadda xasilan, balse waxaa soo baxay warar sheegaya in dadkii deegaanka qaarkood ay barakac billaabeen.
Markii uu Gallan hadda ka hor ciidamada aruursaday
Sanadkii 2016-kii, Cabdisamad Gallan ayaa ka hor yimid siyaasadaha xukuumaddii Puntland ee uu hoggaamiyayay madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Khilaafkaas ayaa ka dambeeyay go’aan uu Gaas xilka uga qaaday Gallan oo ahaa guddoomiyihii gobolka Bari.
Hase yeeshee Cabdisamad, oo hadda ah wasiirka amniga Puntland, ayaa sheegay in ciidankii uu la baxay iyo xil ka qaadistiisii aysan wax xiriir ah lahayn.
“Aniga 27-kii May ee sanadkii 2015-kii baa la iga qaaday xilka, saddex maalmood kaddib waan wareejiyay xilka kaddib waddanka waan ka dhoofay, danaheyga gaarka ah ayaan u baxay, siddeed bilood kaddib baan kusoo noqday dalka, waxaana imid xilligaas aan soo noqday, oo waliba aan xoogaa joogay ayaa waxaa jiray khilaaf ka dhaxeeyay dadkii magaalada Boosaaso dagganaa iyo xukuumaddii markaas jirtay,” ayuu yiri.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas sii raaciyay: “Odayaashii oo arrintaa ka cabanaya ayaa noo yimid, arrintii baannu dhex galnay, halkaasaan isku khilaafnay Cbadiweli Gaas, waxaana isku fahmni weynay inaan la saxno khaladaadkii ay dadku tabanayeen.
“Markii aan bannaanka u baxay oo aan ciidan isu geeyay, dagaal ma dhicin, Culumada iyo Ismimada maanta noo imaanaya unbaa annagana noo yimid, waxayna nagala hadleen inaan arrinta socota annagu ka tanaasulno, oo aan qaadanno nabadda, arrinta Cabdiwelina wadahadal lagu dhammeeyo, annaguna waan aqbalnay, Cabdiwelina wuu aqbalay.”
Ma ciidamo ka tirsan Gor-gor ayaa ka dagaalamaya Boosaaso?
Wasiirka Amniga ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa carrabka ku adkeeyay in ay aqbalayaan oo kaliya in la raaco dastuurka maamulkaasi oo hoggaanka ciidammada PSF uu xilka wareejiyo.
Cabdisamad Maxamed Gallan, oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa in agaasimihii PSF ee xilka laga qaaday uu weerrarka Boosaaso soo qaaday, wixii ka dhashayna uu mas’uuliyadeeda qaadi doono.
Dhanka kale wasiir Gallan waxa uu intaasi ku daray in dhankooda ay diyaar u yihiin nabad iyo wadaxaajood, balse marnaba aanay ka tanaasulayn ku dhaqanka dastuurka.
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo haatan ay deggan tahay xaaladda magaalada Boosaaso walow tan iyo shalay uu halkaas ka socday dagaal ay dhowr qof ku dhinteen, kuwo kale ay ku dhaawacmeen, halka dad badanna ay guryahooda isaga carareen.
Cabdisamad Maxamed Gallan, wasiirka Amniga ee Puntland, ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamada Gor-gor ay ka dagaalamayaan magaalada Boosaaso.