Wednesday ” 6″ October ” 2021 ,”Tifatiraha Dheeho.com
Xishood la’aanta, naxariis darrada iyo liidnaanta ka muuqata dadkii soo abaabulay Falkii Barakicinta Reer koonfureedka
Xadgudubka reer Koonfureedku wuxuu Cawaaqib xumo ku Reebi doona Raadinta Ictiraafka Maamulka Iskiis u go,ay ee Somaliland
Dadka soomaaliyeed meel kastaoo ay joogaan waxay muujinayeen Sida ay uga xumaadeen masaafurintii lagu sameeyay dadkii laga raafay Magaalada Laascaanood oo ahaa dad iskugu jiray Maati, Caruur Hooyooyin Waayeel iyo dad Ganacsato ah kuwaas oo si ka baxsan Islaaminimada, Soomaalinimada iyo Bani aadnimada loola dhaqmay.
Dadka la masaafuriyay oo markii horaba deegaanadoodii uga tagay duruufo adag iyo nabadgalyo darro waxaan shaki ku jirin dhibaatada mar kale lagu la kacay raad xun ay ku reebi doonto Somaliland
In ku dhaw 40 sano ayuu maamulka iskiis u go,ay ee Somaliland raadinyay aqoonsi dowladnimo markii ugu danbeeysayna caalamku waxa uu u sheegay in aqoonsigu aanu jirin halka ay raadinayaan ee uu jiro xagaa Iyo konfurta somalia kuwaas ooy tahay in ay wax uun ku soo heshiiyaaan waayo majiro cid u bareeri karta in ay tiraahdo waxaan kala gooyay Ummad Qaramada midoobay mar u aqoonstay in ay yihiin hal dal hadii aaney iyagu ku heshiin in ay noqdaan laba dal oo is dhinac yaal sida SUDAN & SOUTH SUDAN .
Biloowgii Wadahadalada Shirkii London
Dhowr bilood uun ka dib shirkii Soomaalida ee London, waxaa bilowday wadahadallo la xiriira – midnimo ama madaxbannaani. Waxaana ka mid ahaa midkii dhacay Bishii Juun, 2012-kii.
Ujeedada shirkaas, oo ay martigelisay dowladda UK, wuxuu ahaa in waddada loogu xaaro waxa xaajoodka la xiriiray qodabadii ay labada dhinac ka wada hadli lahaayeen.
Wakiiladii ka socday Somaliland ayaa markaasi ka carooday in shirka lagu soo daray masuuliyiin ka socday dowladda Puntland.
Bayaan ka soo baxay kulankaasi ayaa lagu heshiiyay in la sii wado wahadallada, madaxda labada dhinacna ay yeeshaan kulan. Waxay sidoo kale ku heshiiyeen ka wada shaqeynta la dagaalanka argagixisada iyo burcad-badeeda.
Kulankii Siilaanyo iyo Shariif ee Dubay

Kulankii Ankara 2013-kii
Madaxweynihii Dowlladda Federaalka Soomalaiya ee xillaagaasi Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii Somaliland ee wakhtigaa Axmed Siilaanyo ayaa ku kulmay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.
Waxaa kulankaasi goobjoog ka ahaa Recep Tayyib Erdogan oo xilligaas Ra’iisal Wasaare ka ahaa Turkiga.
Wasiirkii Arrimaha dibadda Turkiga Axmed Daud Oglu ayaa dhexhdexadinayay wadahadallada. Dhinacayda ayaa ku heshiiyay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin;
- Xoojinta nabad galyada gobolka
- Wadaagista xogta ku saabsan amaanka
- Tababarada iyo deeqaha in la wadaago iyo in laga fogaado hadalo waxyeelayn kara kulamada socda
- Waxay sidoo kale ku heshiiyeen inay 90 cisho ka dib isugu yimaadaan isla dalka Turkiga si loo sii wada wadahadallada

Kulankii ka dhacay Istanbul
Wax yar ka dib kullankii Ankara, waxay labada dhinac mar kale ku kulmeen Istanbul bishii July 2013-kii. Kulankaas ayaa looga hadlay arrin muhiim ah sida maamulka hawada Soomaaliya.
Waxay ku heshiiyeen in maamulka hawada laga soo wareejiyo Qaramada Midoobay oo maamulesay tan iyo 1991, markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Heshiiska wuxuu ahaa in magaalada Hargeysa looga dhigo saldhig. Lana qeybsada dakhliga ka soo xarooda maamulista hawada.
Mar kale ayay dhinacyada ku kulmeen Istanbul bishii January 2014-kii 犀利士 iyagoo ku heshiiyay in la sameeyay guddi farsamo oo labada dhinac ah oo ka so shaqeeya qaabkii maamulka hawada loogu soo wareejin lahaa Hargeysa.
Kulankii Jabuuti – 2014-kii
Shir ay ka qeybgaleen madaxweynayaashii Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihiin Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa ka dhacay magaalada Jabuuti, waxaana lagu kala saxiixdey heshiis dhigayay in wadahadaladii hakadka galay dib loo billaabo.
Waxay sidoo kale isku afgarteen in aan la siyaasadeynin barnaamijyada gargaarka iyo horumarka. Waxay ku heshiiyeen in kulanka xiga ay ku qabsadaan dalka Turkiga January 2015.
Kulankii fashilmay ee Istanbul
Dhinacyada ayaa sidii ay ku heshiiyen isugu tagay magaalada Istanbul balse fool ka fool uma aysan kulmin.
Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyay fashilka shirka. Somaliland ayaa ku eedeysay dowladda Federaalka ah inay si ula kac ah ugu soo dartay wakiiladeeda dad asal ahaan ka soo jeeda Somaliland.
Dolwadda Soomalaiya ayaa sheegtay in Somaliland aysan daw u lahayn inay u meeriso cidda ay tahay in ay wadahadallada ku matalaan.
Hakad ku yimid wadahadallada
Wixii intaa ka dambeeyay ma jirin wax wadahadal rasmi ah oo dhexmaray labada dhinac. Balse waxaa sii socday eedeynta ku saabsan cidda leh masuuliyada burburka wadahadallada.
Afar sano ka dib markii la hakiyay wadahadallada, bishii February ee sanadkan, Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxay ku kulmeen magaalada Addis Ababa. Labada hoggaamiye waxaa xafiiskiisan isugu keenay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Ma cadda waxa ay ka wada hadleen balse waxay u muuqataa in kulankaas uu hor udhac u ahaa kulanka dalka jabuuti ka dhacay todobaadkan.
Fulinta heshiiyadii hore
Labada dhinac ayaa u muuqda inuu midba kan kale ku riixayo mas’uuliyadda caqabadaha hortaagan sidii miiska wadahalka loogu noqon lahaa, lamana saadaalin karo sida ay isugu tanaasuli karaan.
Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa arrimo ka tabaneysa in Dowladda Farmaajo, waxayna ku eedeysay inay meesha ka saartay arrimihii horay looga heshiiyay.
Guddiga Somaliland u qaabilsan wadahadallada Soomaaliya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wada xaajoodka laakiin ay marka hore dowladda federaalka ka doonayaan inay meelmariso heshiisyadii horay loogu gaaray kulamadii ay labada dhinac yeesheen.
Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland: Qodobbada ay isku mari waayeen 8-dii sano ee la soo dhafay
Edna Adan Ismaaciil oo ka mid ah guddiga Somaliland u qaabilsan wadahadallada ayaa tiri: “In la wadahadlo waan soo dhaweyneynaa. Wadahadalladu halkii ay marayeen laga soo billaabo kii koowaad ilaa kii lixaad, waxaa dhacayay isu soo dhawaansho.
Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay eedeymahaas waxa ayna sheegtay inay ka go’antahay sii wadidda wadahadallada. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa raaligelin ka bixiyay “tacaddiyadii ay dowladdii Maxamed Siyaad barre ka geystay gobollada Waqooyi ee Soomaaliya”
“Umaddu way isu soo dhawaaneysay, waxaase nasiib darro noqotay in madaxweynaha dalka aannu jaarka nahay ee Soomaaliya Farmaajo uu wada buriyo qodobbadii horay loogu heshiiyay oo dhan, oo intuu maalin soo toosay ayuu yiri saxiixyadii madaxweyneyaashii hore waxba kama jiraan, oo uu yiri diyaaradaha hallaga maamulo xamar”.

Magaalada Jabuuti waxaa lagu soo gaba-gabeeyay shir dhex maray madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland.
Shirkan oo ay marti gelinaysay dowladda Jabuuti waxaa ergada labada dhinac kala hoggaaminayay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Somaliland ayaa si iskeed ah madaxbannaani ugu dhawaaqday markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ku dhawaad 30 sano ka hor.
Tan iyo xilligaas waxay masuuliyiinta raadinayeen aqoonsi caalami ah, balse Dowladda Federaalka ayaa u aqoonsan inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.
Bayaanka ka soo baxay kulanka Jabuuti ayaa lagu qiray in shirarkii sannadihii hore aan horumar badan laga sameynin.
Xitaa iyadoo aan wali la isla gaarin arrimaha masiiriga ah ee ku saabsan xiriirka mustaqbalka ayay labada dhinac isku mari waayeen qodobo aasaasi ah.
Qaar ka mid ah shirarkii hore iyo qodobadii la isku mari waayay siddeedii sano ee la soo dhaafay ayaan qoraalkan ku soo koobeynaa:
Hada oo Somaliland Magaalada Laascaanood Ay Ka Bilowday Qaqabashada Dadka Reer Koonfureedka oo Qaarkood Lajirdiley Raad Noocee Ah Ayay Ku Reebi Doontaa Raadininta Ictiraafka ?
Maamulka somaliland oo aan wax Ictiraaf helin tan Iyo markii ay ku dhawaaqeen gooni isu taaga horaantii sagaashamaadka waxa ay talaabadan masaafurinta reer koonfureedka uga dhigan tahay in Indhaha caalamka u soo jeediso qadiyadooda aqoonsi raadinta iyaga oo taas badakeed kaga jawaabaya doorashooyinka aqalka sare ee somalia ooy qayb ka yihiin xubno Somaliland ka soo jeeda, balse waxay sii fogeeyneeysaa rajo kasta oo laga qabi lahaa aqoonsi koonfur ka yimaada oo dowlad ka dhiga maamulka Somaliland oo wax badan sharciyad ahaan wali ku xiran Muqdisho tiiyoo ay cambaareeynayaan kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha .
Webmaster ka Dheeho.com Elmi Osman Farah Boodhari
